Wefti Ka Socday Dawada Federaalka Ethopia Iyo Kilalka Shanaad Ee Ethopia Ayaa Soo Gaadhay Degaanka Jaamac Dubad Waxaanay Wareysiyo La Yeesheen Dadka Degaanka Si Loo Ogaado Sababta Xasuuqa Keentay

0
596

Wefti Ka Socday Dawada Federaalka Ethopia Iyo Kilalka Shanaad Ee Ethopia Ayaa Soo Gaadhay Degaanka Jaamac Dubad Waxaanay Wareysiyo La Yeesheen Dadka Degaanka Si Loo Ogaado Sababta Xasuuqa Keentay
Wararka naga soo gaadhaya degmada gashaamo soona gaadhaya xafiiska warqabadka Burcoonline ayaa sheegaya in waftigii ka socday dawlada fadaraalka itoobiya iyo kilidhka shanaad Oo iskugu jiray xildhibaanada barlamaanka faderaalka ah iyo kuwa kililka shanaad ay socdaal ku tageen deegaanka Jaamac Dubad oo kamida degmada gaashaamo isla markaana dhawan ay ciidamada New police-ku ku xasuuqeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Ujeedada waftigan ayaa ah sida naloo sheegay xaqiiqo raadis ay ku samaynayaan sababaha ay ciidamadu u xasuuqeen dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ayaa waxa naloo sheegay in ay waraysiyo la yeesheen dadka iyo odayaasha deeganka isla markaana ay ka waraysteen siday wax u dhaceen.
Waxaana sida uu warku nagu soo gaadhayo dadka deegaankuna ay uga warameen waftigan sidii ay wax u dhaceeen.
Wali ma jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxaya iswaraysigaa ay wada yeesheen waftiga iyo dadka deegaanka Jaamac Dubad,balse waftigana ayaa sida la sheegay u socda sidii ay xogo uga soo ogaan lahaayeen sababta dhalisay xasuuqa.
Dhanka kalena waxa wararku intaa ku darayaan in ciidamadii New Police-ku ay wali hanjabaadihii iyo handidaadii ay ka wadaan dadka deegaanada gor-gor iyo Booda-dheer iyaga oo dadka deegaankana ugu hanjabaya inay layn doonaan hadii aanay sheegin halka uu yaalo hub ay sheegeen inay haytaan dadka deegaanku.
Si kasteba ha ahaatee wali ma jiraan warar rasmi ah ookasoo baxaya deegaanadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here