Wasiiru Dawlaha Xanaannadda Xoolaha Somaliland Ayaa Fariimo Baaq Hanbalyo Isugu Jira U Diray Shacabka Wadaamagoo Iyo Madaxweynaha Dalka.

0
480

Wasiiru dawlaha wasaaradda xananada xoolaha Somaliland cabdirashiid Riyo-Raaca ayaa madaxweynaha somaliland ku hambalyey magacaabista dhamaan degmooyinka uu magacaabay

waxaana wasiirku sigooniya madaxweynaha ku amaanay Magacaabista Degmada WADAAMOGOO oo wasiirku ka soo jeedo waxaana uu yidhi.

“waxaan madaxweynaha somaliland ku hambalyeynayaa kuna amaanayaa sida uu ugu gartay dadka reer wadaamagoo in uu umagacaabo DEGMO madaxweynuhu wuxuu magacaabay xili loo baahnaa xukuuumada iyo xisbiga kulmiyeba waxaan ku amaanayaa sida xilkasnimada leh ee ay uxasuusteen wadaamagoo.”

Sidoo kale wasiiru dawlaha xanaanada xoolaha somaliland mudane cabdirashiid Riyo-Raac oo hambalyadiisa sii wata ayaa dadka ku dhaqan degmada wadaamagoo waxa ugu bushaareeyey degmada cusub ee loo magacaabay waxaana isaga oo arrimahan ka hadlaya uu sheegay.

“shacabka ku dhaqan wadaamagoo waxaan ugu hambalyeynayaa guusha usoo hoyatay waxaanan leeyahay waxaad hesheen himilo badan oo aad in badan sugayseen waxana idinku boorinayaa inaad garataan oo xasuusnaataan sida madaxweynuha iyo xisbiga kulmiye idiin xasuustay ee taariikhdii wanaagsanayd ee wadaamogoo usoo celiyeen waa in abaalkaa aad xasuusnaataan oo madaxweynaha iyo xisbiga KULMIYEba u gudaan waxaan kaloo shicibka deegaanka ugu baaqayaa inay si wanaagsan ula shaqeeyaan masuulka ay xukuumaddu usoo magacawdo degmada”

Ugu dambayn wasiir cabdirashiid Riyo-Raac waxa uu bulshada wadaamagoo ugu baaqay inay u diyaar garoobaan diwaan galinta codbixiyayaasha oo dhawaan ka bilaabmaysa degmada dadkana ku wacyi galiyaan si ay cududooda u muujiyaan maadaama oo iyagoon la tiro koobin madaxweynuhu ku sooray Degmo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here