Daawo Sawiro Weftidii Ka Socday Xukuumada Somaliland Iyo Madaxweynaha DDSI Oo Miiska Wada Hadalka Fadhiistay+Weriyihii HORN CABLE Oo Xoriyadiisii Dub U Hantay

0
445

Daawo:(Sawiro)Weftidii Ka Socday Xukuumada Somaliland Iyo Madaxweynaha DDSI Oo Miiska Wada Hadalka Fadhiistay+Weriyihii HORN CABLE Oo Xoriyadiisii Dub U Hantay Madaxwaynaha DDSI Mudane Abdi Mohamoud Omar oo ay wehelinayeen afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaqmadaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan Wasiirka Ganacsiga iyo gaadiidka Mudane Khadar cabdi ismaciil iyo mas’uuliyiinta kaladuwan ee hay’adaha amniga iyo cadaalada DDSI Taliyaha Guud ee Ciidanka Policeka gaarka ah General C/raxmaan C/laahi Buraale ayaa maanta kulan layeeshay wafti kasocday somaliland oo uu hogaaminayay wasiirka arimaha dibada somaliland mudane Sacad Cali Shire oo ay kuwehelinayeen wasiirka arimaha gudaha ee somaliland mudane Cali Maxamed Warancade, Agaasimayaal iyo xubno kale.

13645193_1059175594168975_4554992995062368493_n

Hadabaujeedada kulankan ayaa ahayd mid lagaga wada hadlayay sidii loo sii adkayn lahaa xaalada amniga xuduudaha labada dhinac. Taas oo ay dawlada federalka ah ee itoobiya iyo somaliland horay heshiis uga wadagaleen.13654395_1059175457502322_5436080408196644061_n

Waxaana ugu horayn furitaankii kulankan kahadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayn si xurmo leh u qaabilay una soo dhaweeyay waftigan islamarkaana kalahadlay sidii labada dhinac ay usii wada xoojin lahaayeen heshiiskii ay wadagaleen dawlada federalka itoobiya iyo somaliland oo ahaa nabadgelyo kuwada noolaanshaha, daris-wanaaga, adkaynta amniga xuduudaha, is-jacaylka iyo wadashaqaynta bulshada walaalaha ah ee labada dhinac. Wuxuuna madaxwaynuhu intaa kudaray in dawlada itoobiya iyo somaliland gaar ahaan DDSI iy Somaliland ay yihiin dad iskudan ah oo aan marnaba kala maarmin islamarkaana cidkasta oo iskudayda inay dhibaato kadhex abuurto dariska isjecel ee walaalaha ah aysan marnaba usuurtagalaynin oo ay hal meel ah uga soo wada jeedsanayaan Isagoo uga mahadceliyay dhaqan-galinta heshiiskii hore iyo kudhiiranaanta hirgalinta iyo wadashaqaynta tooska ah islamarkaana ku amaanay nabad jacaylka iyo walaalnimada reer somaliland. Ugudanbayna, madaxwayne CMC ayaa salaan u diray madaxwaynaha somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) iyo dhamaan shacabka reer somaliland.13669725_1059175870835614_3258228604415389191_n

Dhanka kale wasiirka arimaha dibada somaliland mudane sacad cali shire oo kahadlay kulankan ayaa ugu horayn bogaadiyay horumarka baaxada leh ee kajira deegaanka isagoo kutilmaamay mid kudayasho iyo in khibrad laga qaato mudan. Wuxuuna kamahadceliyay qaabilaadii iyo soo dhawayntii madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar isagoo sheegay inay dhaqan-galiyeen heshiiskii hore walina ay u taagan yihiin sii adkaynta nabadgalyada, dariswanaaga iyo is-jacaylka labada dhinac.13709780_1059175680835633_6206643590577024222_n

Sidoo kale wasiirka arimaha gudaha somaliland mudane Cali Maxamed Warancade ayaa bogaadiyay kulankan. Wuxuuna sheegay in cadawga itoobiya uu yahay cadawga somaliland islamarkaana cadawga somaliland uu yahay cad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here