Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Oo Kulamo Gooni Gooni ah Laqaatey Madaxdhaqameedka Waxgaradka iyo Odoyaasha Qeybaha Gobolka Sanaag

0
448

Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici),ayaa galinkii dambe ee jimcaha maanta kulano is xogwareysi xaalada Gobolka Sanaag ah la qaatey guud ahaanba qeybaha ardaayada Gobolka Sanaag ee Madax-dhaqameedka,Waxgaradka aqoonyahanka odoyaasha iyo Siyaasiyiinta,si ay isaga xaal waramaan arimaha khusuusiga ah ee Diiwaangalinta iyo xaalaadka Gobolka ee ku aadan Maraaxilka Siyaasadeed ee Somaliland guud ahaanKulankan Madaxweyne Kuxigeenku la qaatey Madax-dhaqameedka,odoyaasha iyo Waxgaradka, Gobolka Sanaag oo ahaa mid ay albaabadu u xidhan yihiin islamarkaana,bilaabmay qadadii kadib waxa uu socdey ilaa kow iyo tobankii caweysnimo ee caawa taas, oo ardaa walba uugoonidiisa ugula kulmey is jilba dhig wakhti ku filan qaatey,waxaanay arimaha ugu badan ee laga wada hadley hordhac uga dhigeen Reer Ceerigaabo sida ay raalida uga yihiin Waxqabadka Xukuumada ee ku aadan dhismaha jidka CeerigaaboInkastoo ardaayada Qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Sanaag ay Madaxwayne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici),gaadhsiiyeen tabashooyin kooban oo ay Xukuumada kaga codsanayaan in wax laga qabto hadana waxa ay isla qaateen intooda badan in Diiwaangalinta si xoogan la isku Diiwaangaliyo Islamarkaana, laga wada shaqeeyo in ay Gobolka kaga dhamaato si Nabedgalyo ah sidoo kalena Duqeyda Reer Sanaag ay u balanqaadeen in ay dhinacooda ka adkeynayaan wax kasta oo kaga yimaada Dhinaca Xukuumada iyo Xisbigeeda KulmiyeKulankan Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici la qaatey Madaxdhaqameedka,Odoyaasha iyo Waxgaradka Gobolka Sanaag waxa goob joog ka ahaa Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed,iyagoo Geesta kalena Salaadii Jimce kula tukadey Masjid Jaamaca Ceerigaabo Dadweynaha kunool Magaaladaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here