Tacsi Madaxweyne Madaxweynaha Jamhuuriayada Somaliland Oo Tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Axmed Cali Shookare Oo Burco Ku Geeriyooday

0
415

Tacsi Madaxweyne Madaxweynaha Jamhuuriayada Somaliland Oo Tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Axmed Cali Shookare Oo Burco Ku Geeriyooday

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo. isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Cali Shookare oo ku geeriyooday Magaalada Burco 24/07/2016. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Oday taariikhda qaranka Somaliland ku suntan, kana soo shaqeeyey sidii dalka Somaliland iyo dadkiisu u noqon lahaayeen qaran jira oo isku duuban, isagoo qayb weyn kasoo qaatay dib u dhiskii iyo nabad kuwada noolaanshaha shacbiga Somaliland ee ku dhaqan gobolada dalka, gaar ahaan gobolka togdheer. Madaxweynuhu waxa uu marxuumiinka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here