Faysal Cali Waraabe Oo Guddida Diwaanglinta U Gudbiyay Dacwad Cusub Oo Halis Ku Ah Ammaanka Qaranka, Dhaawacna Gaadhsiin Karta Doorasho Dalka Ka Dhacda

0
468

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa guddida diwaangalinta ururada siyaasadda u gudbiyay gal dacwadeed cusub oo halis ku ah ammaanka dalka iyo doorashooyinka la filaayo inay ka qabsoomaan Somaliland.

 

Sida uu warar xogogaal ah ku helay Wargayska Somalilandtoday, Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa ka codsaday guddida diwaangalinta inay u soo cadeeyaan sadbursiimo dheeri ah, taas oo uu ku rabo in qaybta Ergadiisa loo dheeraysiiyo 180-xubnood oo Golaha dhexe ah, talabadaas oo ka dhigaysa haddii  labada Garab midba garkiisa 200, oo xubnood oo Ergo ah u soo magacabanaayay. in Faysal Cali Warabe dheerado 180-Xubnood oo uu sheegay inay Golaha dhexe yihiin, si uu markaas u helo 380, xubnood tusaale ahaan.

Halka Go’aanka guddida duwaangalintu ka soo saaray khilaafkii UCID uu aha inay si isleeg u qaybsadaan wax kasta, iyadoo la racaayo heshiiskoodi hore, sida daradeedna ay xubnaha qaban qaabada garab kasta min shanxubnood soo magacawdo, halka Ergadana ay si isleeg u qaybsanayaan. Dacwadan cusub ee uu Guddoomiyaha Xisbiga UCID u gudbiyay guddida diwaangalinta ayaanu kali ku ahayn, waxaana dabada kala rixaayay xubno kamid ah Kadiriinta Xisbiga KULMIYE oo laf dhuun gashay uu ku noqday go’aankii hore.

Geesta kale sida warar hoose oo xogogaal ah uu ku helay Wargayska Somalilandtoday, ka hor intii aanu dacwadan cusub Faysal Cali Waraabe u gudbin guddida, waxa cadaadis xoogan la saaray Xubnaha guddida diwaangalinta ururada, kaas oo kaga imanaayay dhinaca Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE, laguna dirqiyaayay inay ka noqdaan go’aankoodi hore oo Faysal Cali Waraabe u xukumaan sadbursiimada dheeraadka ah ee uu ku darsanaayo Ergada markii hore sida is leeg ay labada garab u soo magacabanayeen.

Si kastaba ha ahaate haddii guddida diwaangalinta ururadu Faysal Cali Warabe u xukunto fasiraad siinaysa sadbursiimada uu doonaayo inuu 180-xubnood ku darsado Ergadii markii hore is leekayd, waxay caqabad ku keeni doonta xalkii Xisbiga UCID, sidoo kalena waxay mashaakil weyn u gaysan doonta doorashooyinka la filaayo inay dalka ka dhacaan horaanta sannadka inagu soo foolka leh. Iyadoo hore degaanada uu ka soo jeedo Murashaxa Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo isagu garabka kale hoggaaminaya u shaciyeen in aanay degaanadooda doorasho ka dhici doonin haddii cadaalad darro loola badheedho in lagu reebo Jamaal Cali Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here