Wasiirro Xukuumadda Ka Tirsan Iyo Xamaaliinta Dekedda Berbera Oo Kulan Ay Yeesheen Ku Kala Kacay Iyo Shaqaalaha Oo Mudaaharaad Kaga Jawaabay

0
464

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa shalay gaadhay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil oo kulan ay la qaatay shaqaalaha dekedda gaar ahaan xamaaliinta ayaa ay wararku sheegayaan inuu kulankaasi ku dhamaaday is afgarad la’aan.

 

Shaqaalahan oo u badnaa kuwa muruq maalka ah ayaa waftigii xukuumadda ka socday hor dhigay shuruudo tiro badan kuwaasoo loogu xaqiijinayo inaanay maalgalinta dekeddu wax saamayn ah ku yeelan doonin, waxaana ay wararku sheegayaan inay wasiiradani ku guuldaraysteen inay shaqaalaha ku qanciyaan qaddiyadaas

Kulankan ayaa la sheegay inay wasiirada maaliyada Somaliland ay sheegtay inay iyadu masuul ka noqonayso in ay shaqaaluhu joogaan balse shaqaalaha ayaa hadana wasiiraddda ku xidhan inay keento waraaq garantiin ah oo ay ku cadaynayso inay sii joogayso xukumadda danbe ee dalka madaama shirkadan lagu wareejiyay dekeda muddo 30 sanadood ah.

Ma jiro war rasmi ah oo ay xukuumaddu ka soo saartay arrinkan balse dadka diiradda ku haya dhaq-dhaqaaqa Berbera iyo qaddiyada maalgalinta dekedda ayaa aaminsan inaan maareeyaha Dekedda Berbera Cali Xoor-xoor ka madhanayn ragaadinta iyo carqaladaynta heshiiska, waxaana uu marmarsiinyahaasi sii xoogaystay kadib markii ay shalay shaqaalaha dekeddu ku mudaaharaadeen wasiiradii xukuumadda ka socday taasoo cadayn ugu filan inaanu Maareeyuhu qancin kari waayin shaqaalihiisa balse uu qasdi kale jiro.

Wasiiradan ayaa kala ahaa wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi , Wasiir Maaliyada Samsam  Cabdi Aadan , Wasiirka Qorsheynta Cali Shoonbe iyo Wasiirka Arimaha dibada Sacad Cali Shire .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here