Xukuumadu Intaanay Ka Degin Talada Dalka Wax Haka Qabato Labo Qodob,,Oo Shacabka Somaliland Ay U Qabaan Baahi Weyn

0
465

Xukuumadu Intaanay Ka Degin Talada Dalka Wax Haka Qabato Labo Qodob,,Oo Shacabka Somaliland Ay U Qabaan Baahi Weyn

“Xukuumadda Waxaan Ku Amaanayaa Degmooyinkii Dalka Oo La Kordhiyay Oo Qaar Cusub La Magacaabay, Waxaanan Leeyahay Wixii Innaga Gacanteenna Yeynaan Ka Hagran Dalkeenna Iyo Dadkeenna” – Xaaji Cabdi-waraabe

Xukuumadda Somaliland, ayaa lagu majeertay inay masuuliyad badan iska saartay hagaajinta adeegyadda bulshadda ee dalka. Sidaasna waxa lagu caddeeyay fadhigii shalay ee aqalka odayaasha Somaliland oo uu guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Guurtidda Siciid Jaamac Cali, waxaanay Mudaneyaashu ku soo ambo-qaadeen dood ay ku naaqishayeen heerka adeegyadda bulshadda, waxaanay sheegeen in dedaal laga muujiyay. Waxase ay ku boorriyeen inay awooda saarto hirgelinta wershadii sibidhka iyo horumar balaadhan lagu sameeyo dhinaca biyaha. Doodda qoddobkan arrimaha bulshada ayaa xildhibaanadii ka qeyb qaatay waxa ka mid ahaa Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe), xildhibaanku waxa uu xukummadda hadda tallada dalka haysa ku majeertay in ay wax badan ka qabatay adeegyada asaasiga ah ee arrimaha bulshadda. “Madaxwayhaha iyo xukuumadiisu aad bay u mahadsan yihiin sida fiican ay bulshadii soo dooratay ugu shaqaynayaan. Xukummaddu waxa badan bay ka qabatay adeegyada asaasiga ah ee bulshaddu u baahan tahay,”ayuu yidhi Xaaji Cabdi-waraabe. Xildhibaan Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu ku talliyay in qaran ahaan wixii aynu qabsan karno aynaan cid ka sugin, isagoo arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay wixii innaga gacanteenna ku jira ee aynaan cid kale ka sugayn in aynaan ka hagran dalkeenna iyo dadkeenna. Markaa haddii aanu nahay Golihii Guurtida waxaanu ku talinaynaa in xukummadda hadda tallada dalka haysaa ay biyaha iyo wershada sibildhka wax badan ka qabato inaanay xilka ka degin. Labadaa qoddob waxay ka mid yihiin kuwa shacabku baahida ugu badan u qabaan.” “Xukuumadda waxaan ku amaanayaa oo aan leeyahay ilaalintii amaanka dalka si fiican baad u wadaa, dhismihii waddooyinka si fiican baad uga hawl gasheen, degmooyinkii dalka waa la kordhiyay oo waxa la magacaabay qaar cusub,” Ayuu yidhi xildhibaan Cabdi Waraabe. Xildhibaan Maxamed Nuur, ayaa sheegay in loo baahan yahay in dawladdu xal ka gaadho khasaaraha gaadiidka ka dhasha oo uu sheegay in marba marka ka dambeeya ay sii kordhayaan, waxaannu yidhi “Waxaad moodaa in ay soo kordhayaan shilalka ay gaadiidku u geystaan dadwayhaha, wax kastaaba sabab bay leeyihiin wixii Alle qadarayna lama joojin karo.Gaadiidkeennu wadooyinka waxay ka maraan dhinaca midig, gaadiidkeenana waa qaar laga wado dhinaca bidix. Arrinytaasi waxay noqotay ta sababta u ah shilalka ugu badani in ay dalka ka dhacaan, markaa waxa loo baahan yahay in dawladda iyo shacabkuba xooga la saaro sidii wax looga qaban lahaa, maadama oo ay tahay arrin dhib ku haysa dal iyo dadba.” Xildhibaanada golaha guurtida ee ka qeyb qaadaaayay dooddan iyo kuwii hore ayaa waxay sheegeen in guud ahaan xaaladda arrimaha bulshada ee dalku ay meel fiicam marayso, waxaanay ku taliyeen in dawlad iyo shacaba loo midoobo sidii loo sii horumarin lahaa. Muddooyinkii u dambeeyay ku gudo jireen dooda iyo falan qeynta qoddobada uu ka kooban yahay ajandaha kal-fadhigooda 60aad kaas oo dhawaan u furtay.

Xigasho,Huabaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here