Gabadh Uu Dhalay Madaxweyne Obama Oo Wakhiga Xagaaga Ka Shaqeysa Makhaayad Cunto Karin Ah +SAWIRRO.

0
400

Sasha Obama oo ah gabadha uu dhalay Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ku bedelatay istareexii ay ku qabtay Aqalka Cad inay ka shaqeyso Maqaayad laga cuno cuntada Badda.

3 4 5 6

Sida ay qoreen Warbaahinta Mareykanka Sasha Obama oo 15 jir ah ayaa la arkay, iyadoo ka shaqeyneysa maqaayad ku taal magaalada Massachusetts xilliga xagaaga.

Maqaayadan oo lagu magacaabo Martha’s Vineyard ayaa laga cunaa cuntada badda, waxaana sawir la soo qaaday ay muujinayeen, Sasha oo xiran dharka shaqaalaha, koofiyad buluug iyo funaanad, waxaana ay joogtay qeybta makhalka ama halka lacagta lagu bixiyo.

Waxaa la socday illaa lix ilaalada aqalka cad ee qarsoodiga ah, kuwaasoo hareeraha ka ilaalinaya, saacadihii ay ku howlaneyd shaqadeeda xagaaga.

Sasha waa gabadha ugu yar Madaxweyne Obama, waxaana dad badan layaabeen, shaqada ay ka heysay maqaayada, iyadoo aabaheed uu Madaxweyne yahay, kuna nool Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka, halkaasoo ah meel qof walba uu ku riyooday inuu ku noolaado.

Hooyadeed Marwada Koowaad Michelle Obama ayaa mar ay hadleysay sheegtay inay dooneyso in gabdhaheeda ay nolol caadi ku noolaadaan sida suurta galka u ah.

Dhacdooyinka la diiwaan geliyay ee carruurta waalidiintooda ay caanka yihiin ee goob ka shaqeeya waxaa ka mid ah wiilka uu dhalay ciyaaryahankii hore David Beckham oo lagu magacaabo Brooklyn, kaasoo ka soo shaqeeyay xafiiska nin film-sameeya ahaa oo ku yaala magaalada London.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here