Murrashax Donald Trump Oo Soomaalida Iyo Qaxootiga Kale Ee Maraykanka Ku Tilmaamey Basaasiin.

0
369

Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka Donald Trump oo la hadlaayey taageerayaashiisa ayaa sheegay in dadka Soomaalida ah iyo qaxootiga kale ee ka soo jeeda “Qaramada Argagaixisada” (terrorist nations) sida uu hadalka u dhigay ay tahay in laga joojiyo in ay yimaadaan Maraykanka.

trump-jpg

– Waxaan dadka Maraykanka ku soo deyney dad ka yimid “Qaranada Argagixisada”, taas oo ay ahayd in aan loo oggolaan, maadaama aan wax baaritaan ah lagu sameyn ayuu yiri Maalqabeenka musharaxa ah Trump xili uu ku sugnaa magaalada Portland ee gobolka Maine ee dalka Maraykanka.

Faras qori

Trump ayaa si gaar ah farta ugu fiiqey Soomaalida, waxaana uu ku tilmaamey kumaankun Soomaali ah oo yimid dalka Maraykanku in ay la yimaadeen dhibaatootin.

– Wax aan ka ognahay malahan kuwa ay yihiin Soomaalida aan soo dhaweeyney. Waxaa suurtagal ah in ay yihiin kuwo ugu weyn taariikhda ee cadowga u basaasaya ayuu yiri Trump.

Trump ayaa qaxootiga Muslimiinta ku tilmaamey Xayawaan, waxaana uu yiri waxaan la tacaamuleynaa xayawaan.

Musharaxa Jamhuuriga ayaa gobolka Main ku tilmaamey mid Soomaalidu u soo jiidey denbiyo waaweyn.

– Waxaan aragney denbiyo aad u badan, xaaladda denbiyadu aad ayey u sii xumaatey mar kasta, reer Maine waa ogyihiin, in denbiyada ugu badan ay ka yimaadaan Soomaalida, ayuu yiri Trump isaga oo taageerayaashiisa weydiinaya in uu ku saxsan yahay hadalkiisa right, am I right?

Waxaa la is weydiinayaa sababta Donald Trump uu qaxootiga Soomaalida gaar uga yeelay iyaga oo kamid ah qawmiyadaha ugu yar ee u haajirey Maraykanka. Waa markii labaad ee Donald Trump si gaar ah u bartilmaameedsado qaxootiga Soomaalida isaga oo horey ugu tilmaamey in ay Daacish taageeraan in badan oo kamid ahna ay ka mid noqdeen ISIS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here