Daacish Oo Xoog Lagaga Saaray Magaalada Manbij Oo Ay Maamulayeen Muddo Ka Badan Laba Sanno.

0
484

Ururka Daacish oo isu magacaabay Dowladda Khilaafada Islaamka, ayaa waxaa dagaal looga saaray inta badan Magaalada Manbij. Manbij waxay u dhow dahay xuduuda Suuriya la wadaagto Turkiga.

timthumb

Magaaladaan oo Ururka Daacish uu maamumaalayay muddo laba sano ah, ayaa waxaa uu ka fuliyay xukuno argagax badan ku beeray bulshada caalamka, sida qoorta oo baangado dadka looga gooyo, in dadka laga soo tuuro dhismooyinka dhaadheer, in qofka madaxa rasaas loogala dhaco isagoo garbo duub u xiran iyo xukuno kaloo badan. Dadka waxay Magaaladaan u yaqaanaan (Kawaanka Dadka).

Ciidan xulafo ah oo ka kooban Carab iyo Kurdi, isla-markaana uu taageero Mareykanka, ayaa xoog ku qabsaday inta badan Magaaladaan, waxaase weli ka dhex dagaalamaaya dagaal-yahano aad u yar oo ka tirsan Xoogaga Daacish.

Saraakiisha horkacaysa dagaalka iyo kooxda u dooda xuquuqda dadka reer Suuriya ee fadhigeedu uu yahay Magaalada London, ayaa Sabtidii maanta si isu midda u sheegay in inta badan Magaaladaan laga eryay mintidiinta Daacish.

Xoogaga Daacish waxaa la soo sheegayaa inay gabaad ka dhigayaan goobaha ay dadka rayidka ihi kaga sugan yihiin Magaalada Manbij, oo si wayn loo go’doomiyay.

Magaalada waxaa ka muuqanaaya burbur baaxad leh oo ka soo gaaray dagaaladii ugu dambeeyay ee ku soo kordhay. Inta badan madaafiicdii dagaalada leesku adeegsaday, ayaa waxyeeleeyay dhismooyinka.

Gulufka militari ee billihii ugu dambeeyay lagu qaaday Ururka Daacish, ayaa waxay keentay in laga saaro Magaalooyin Suuriya iyo Ciraaq ku kala yaala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here