Ujeedada Isku Soo Baxyo Maanta Ka Dhacaya Magaalada Istanbul Ee Dalka Turkiga.

0
425

-Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa maanta lagu qabanayaa isu soo bax weyn oo lagu cambaareyn doono isku-daygii afgambi ee dalkaasi ka dhacay bartamihii bishii hore, isla markaana lagu xusuusan doono dadkii ku dhintay.

_90700121_tu

Waxaa isu soo baxa ka qeybgali doona madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyib Erdogan, iyo axsaabta mucaaradka marka laga reebo kuwa Kurdiyiinta.

Goobta uu ka dhacayo isu soo baxa ayaa waxaa lagu rakibay cod baahiyayaal waaweyn, ayadoona ammaanka la adkeeyay.

Isu soo baxa ayaa loo arkaa mid lagu muujinayo mindimadda shacabka dalkaasi wajahaya xilliga adag.

Inkastoo qaar ka mid ah dadka Turkiga ay ka xunyihiin qaabka ay dowladda uga jawaabtay isku-daygii afgembi, ayaa haddana waxa badankooda ay sheegayaan in ay difaacayaan dimuqraadiyadda ay haystaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here