Dibad-baxyadii Ka Socda Itoobiya Oo Waji Cusub Yeeshay Iyo Tirada Dadka Ku Dhintay.

0
464

Dibad baxyada ka socda magaalada Gondar ee ay degaan Qowmiyada Amxaarada ayaa la soo warinayaa in lagu dilay dad dhowr ah, markii isku dhacyo dhex mareen dibad baxayaasha iyo ciidamada booliska.

amxaaro

Ugu yaraan lix ruux ayaa lagu dilay dibad baxyada labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday magaalada Gondar.

Ilo wareed ayaa u sheegay Al Jazeera in sabtidii shalay afar qof lagu dilay magaalada Gondar, dowladda Itoobiya ayaa wali xaqiijin tirada dhimashada.

In ka badan 500 oo ruux ka soo jeeda qowmiyada Oromada ayaa shalay dibad bax ballaaran ka dhigay magaalada Addis Ababa, iyadoo isugu soo baxay Fagaaraha Meskel, ciidamada booliska ayaa kala eryay dadkaas, iyagoo xir xiray daraasiin ruux.

Qowmiyada Oromada ayaa horay ugu dhawaaqay inay dhigayaan dibad baxyo ballaaran 6-7 bisha Agosto, kaasoo ka dhan ah dowladda, kuna eedeynaya takoorid iyo sinaan la’aanta dhaqaalaha.

Dibad baxayaasha ayaa ku qeylinayay halku dhigyo kala duwan, iyagoo watay boorar ay ku dalbanayeen xoriyad iyo in la sii daayo siyaasiyiinta xabsiyada ku xiran.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegay inay dibad baxyo iyo isku dhacyo ka dhaceen magaalooyinka Ambo iyo Nemekte ee Gobolka Oromada.

Ra’iisul Wsaaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa jimcihii ku dhawaaqay inuu mamnuucay dibad baxyada, isagoo ugu baaqay Ciidamada inay isticmaalaan wax kasta suura gal ah oo looga hortagayo dibad baxyada.

Qowmiyada Oromada oo ah qabiilka ugu badan Itoobiya ayaa sanadkii la soo dhaafay dibad baxyo ballaaran ka dhigay deegaanada ay ka soo jeedaan, iyagoo ka soo horjeeday in deegaano ku yaala duleedka magaalada Addis Ababa lagu daro Caasimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here