Cali Khaliif Oo Ka Mahad Sheegtay Wadahadladii Uu La Galay Xukuumadda, Kana Hadlay Sida Aanay Dadka Reer Somaliland U Kala Maarmayn

0
478

Hogaamiyaha kooxda nabad diidka ah ee Khaatumo ayaa ka hadlay wadahadalo u bilaabmay xukuumadda Somaliland iyo Khaatumo oo Jimcihii ka bilaambay deegaanka Caynabo ee gobolka Saraar.

mm

Cali Khaliif Galaydh oo hore u sheegay inuu diyaar u yahay wadahdal Somaliland uu la galo ayaa haatan sheegay inay si fiican wadahadaladu u socdaan oo uu ku qanacsan yahay, waxaana uu sidoo kale sheegay inaanay Somaliland iyo kooxda Khaatumo aanay ahayn dad maanta is baranaya balse ay yihiin dad wax badan wadaaga oo isku taariikh ah, Cali Khaliif Galaydh oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

“wadahdal bilaw ah ayaa meeshaas ka soo baxay, hadal aad iyo aad u fiican iyo dood aanu kaga wadahadlayno danahayaga naga dhexeeya iyo inta badan ee aanu anagu gaar u leenahay, hadalkaasu wuu noo bilaabmay waananu u ballansanahay in wadahadalo kale Khaatumo iyo Somaliland ay gali doonaan dan gaar ah oo ay Khaatumo ka wadataa majirto”

Sidoo kale Cali Khaliif Galaydh ayaa ka hadlay taariikhda ay wadaagaan dadka gobolada Bariga iyo Somaliland inteeda kale waxaana uu yidhi “Anaga iyo shacabka Somaliland iyo xukuumadda Somaliland dad hadda la is barayo ma nihin , dad ab ka ab wada degenaa oo dhulka wadaaga oo dhalasho wadaaga oo danahayaga si look ala saar saaro aanay jirin ayaanu nahay, taas macnaheedu maaha inaanu indhaha ka qarsanayno mamulka maanta jira ee saaxiibkay Siilaanyo madaxwaynaha ka yahay dhibaatada uu na gaadhsiiyey ilaa wakhtigii daraawiishta wax na gaadhsiiyey ma jiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here