Tirada Masuuliyiinta Xukuumadda Ka Tirsan Ee Hadalada Is-burinaya Ka Yidhi Heshiiska Dekedda Berbera.

0
430

Xukuumadda Somaliland ayaa bishii May ee sanadkan aynu ku jirno heshiis hordhac ah la gashay sherkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta oo lagu magacaabo Dubai World Port oo maalgalin ku samaysay dekedo badan oo caalamka ka tirsan.

nn

Hadaba masuuliyiinta xukuumadda Somaliland ka tirsan ee isku dayay inay shacbigooda fahan siiyaan muhiimadda mashruuca DP World ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay heshiiskan, iyagoo qaarba si sharaxaad uga bixiyeen faa’iidada iyo macnaha uu ugu fadhiyo Somaliland mashruucani.

Dhaliisha ugu way nee dul hoganaysa xukuumadda ayaa ah inay heshiiskan ka hadleen dhawr iyo toban xubnood oo isugu jira wasiiro, wasiir kuxigeeno, agaasimayaal iyo qaar kale oo ka mid ah shaqaalaha dawladda taasoo muujinaysa is garab yaaca iyo waliba shaki uu shacbigu kaa qaadi karo faa’iida mashruucani dalka ku soo kordhin doono maadaama uu masuul waliba ereyadiisa gaarka ah ku cabirayo waxa uu heshiiskan u arko.

Sidaas si la mid ah waxaa iyaguna siyaabo kala duwan maalgalinta dekedda Berbera uga hadlay guddiga Somaliland u qaabilsan heshiiska DP World waxaana ka mid ahaa masuuliyiintii hadalada is khilaafsani ka soo yeedheen, wasiirka Madaxtooyada, wasiirka arrimaha dibadda, maaliyadda iyi safiir Baashe Cawil.

Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Baashe Cawil ayaa isku khilaafay asalka heshiiskan isago midkoodna sheegay in dekedda la kiraynayo halka ka kalena uu sheegay inaanay dekeddu kiro ahayn, waxaana ka mid ahaa hadaladii labada masuul:

Baashe Cawil, Safiirka Imaaraadka: “heshiiskani waa heshiis ah inay dawladdu kiraysay dekeddii muddo 30 sano ah”

Maxamuud Xaashi, Wasiirka Madaxtooyada: “Dekedda Berbera xukuumaddu ma kiranayso mana iibinayso hase yeeshee waa la maalgalinayaa dekedana inaga ayaa leh”

Kala duwanaanshaha ka muuqda labadaas masuul hadalkooda ayaa mid la mid ah amaba ka sii daran waxa uu dhexmaray wasiirada Maaliyadda iyo arrimaha dibadda Samsam Cabdi Aadan iyo Sacad Cali Shire oo midkood sheegay inuu heshiisku kama dambays yahay halka wasiirka kalena ku sheegay qabyo qoraal, waxaana uu hadalkoodu u dhignaa sidan:

Sacada Cali Shire, Wasiirka arrimaha dibadda: “waraaqaha aanu idiin qaybinay maaha heshiiskii oo dhamaystiran laakiin waa nuxurkii heshiiska, heshiiskuna wuxuu ka kooban yahay siyaasad, sharciyad iyo tafaasiil”

Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Maaliyadda: “kan aanu idin soo hor dhignay waa heshiiska la gelayo, sharci yaqaano ayaa ka shaqeeyay kan aad haysaana waa heshiiskii”.

Inkastoo cidna aanay ka qarsoonayn inay Somaliland maalgashiga dekedda Berbera ka faa’iidi doonto haddii si sax ah loo maamulo ayaa hadana waxaa hadaladan isdhaafka ahi muujinayaan inay jiraan waxyaabo aan la isla waafaqsanayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here