Heshiiska Xukuumaddu La Gashay DP World Oo Mucaaradadii Ugu Adkayd Kala Kulmay Golaha Wakiilada Iyo Fadhi Maanta Loo Ballansan Yahay

0
362

 

Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa fadhi ay shalay yeesheen waxay kaga doodeen heshiiskii dekeda berbera ee xukuumadda Somaliland la gashay shirkada Dp World taasi oo sabtidii ay xukuumaddu usoo gudbisay golaha wakiilada.

????????????????????????????????????

Waxaana kalfadhigan shalayoo ay badiba kasoo xaadireen mudanayaasha golaha wakiiladu hogaaminayay gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” oo ay hareeero fadhiyaan labadiisa ku xigeen.

Waxaana ay xildhibaanadu ka doodeen isla marka afkaartooda siyaabo kala duwan uga dhiibteen heshiiskan golaha loosoo gudbiyay ee ku saabsan dekeda berbera.

Xildhibaanada golaha wakiilada ayaa inta ugu badani waxay xukuumadda Somaliland usoo jeediyeen in golaha la keeno heshiiskii saxda ahaa ee ay kala saxeexdeen xukuumadda iyo shirkada DP World,iyaga oo sidoo kale ka dhawaajiyey in golahii wasiirada ahaa ee horyimi goluhu ay hadalo iskhilafsan ka bixiyeen heshiiska.

Gabagabadiina waxa  golaha ka dhashay buuq iyo sawaxan badan taasi oo ay xildhibaanadu buuqeen isla markaana kaliftay in gudoomiye Cirro ku dhawaaqo in kalfadhigu xidhan yahay.

Xildhibaanada golaha ayaa maanta oo salaaso ah u balamay inay sii socoto ka doodida heshiiska dekeda berbera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here