“Anigu Jig-jiga Waan Garaacay, Oo Kaaramardha Waxaanu Waraabe Adhi Ku Samayn Ayaan Ku Sameeyey Oo Doolow Waan Garaacay” Muuse Biixi

0
424

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muj.Muuse Biixi Cabdi  ayaa waxaa uu sheegay in wakhtigii uu ahaa duuliyaha diyaaradaha dagaalka ee dalka Somaliya uu duqeymo culus ka geestey deegano badan oo dalka Ethiopia ka mid ah .

Muuse-Biixi (1)

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in deeganka (Kaaramaardha ) oo ka tirsan dalkaasi Ethiopia   uu ka geystay duqeyntii ugu cusleyd isla markaana uu ka sameeyey wax aanu waraabe ku sameyn adhiga. Guddoomiyaha KULMIYE oo arrinkaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

“Anigu ciidanka cirka dagaalkiisii ayaan ka war hayaa ta aad igu tidhi miyaad duqaysa haa, Jig-jiga ayaanu garaacnay, Kaaramardha waxaanu waraabe adhi ku samayn ayaanu ku samaynay, waxan garaacay baaray waxaan garaacay doolo, waxaanu goyn jirnay jidgooyada ciidamadooda isu socda oo dhan”

Murashaxa Madaxwaynee Xisbiga KULMIYE ayaa ka mid ahaa saraakiishii diyaaradaha ee ciidamadii Somalia wakhtigii dawladdii Siyaad Barre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here