“Wasiirkii Ganacsigu Xaguu Ka Dhacay” Xildhibaanada Gollaha Wakiilada

0
371

Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa markii ugu horaysay cadeeyay inaanay garanayn sababta xukuumadu ilaa hadda wasiirkii ku shaqada lahaa dekeda berbera iyo mareeyihii uga dhex muuqan wayeen heshiiska DPW Waxaana ay cadeyeen ilaa hadda inaanay garanayn xil ay hayaan.

DSC_00021-480x250

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog ayaa saaka golaha ka hor sheegay inaanu garanayn sababta wasiirka ganacsigu uga dhex muuqan waayay heshiiskan iyo doorkii uu ku lahaa oo wasiirka warfaafintu qaatay waa sida uu isagu hadalka u shigee.

“Wasiirkii wasaarada ganacsiga xaguu qabtay,meel uu qabtay waatan lays waydiinayo meel uu maray iyo heshiiskan meel uu kaga jiro majiraan,madaxwayne xilkii maad ka qaaday mise waa wasiir ilaaway shaqadii uu qaranka u hayay,muxuu ka og yahay maal-gashiga mise wasiirka arimaha dibada ayaa labadii xilba isku haya waatan aanu maanta la yaabanahay.

Xildhibaan xoog ayaa intaas ku daray in loo baahan yahay wasiirka ganacsigu doorkii uu maal-gashigan ku lahaa ka qaato,waxaana uu wax lala yaabo ku sheegay in mareeyaha dekeda berbera saxeexiisa uu qaatay wasiirka arimaha dibadu.

“Waxa iyaduna wax aan loo qaadan Karin ah in xukuumaddu looga baahan yahay sababta uu wasiir sacad saxeex aanu lahayn u saxeexay,mareeyaha dekeda waa in golaha wakiilada looga yeedhaa waa in wax laga waydiiyaa sababta keentay inuu door muuqdo ku yeelan waayo,muxuu heshiiskan uga gaabsaday muxuu ku ogyahay ee uu saxeexa u diiday,waa ayaan daro inteeda leeg.

Dhawaaqa Xildhibaanada ka soo yeedhayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili shacabka Somaliland is waydiinayaa sababta keentay in heshiiskan Masuuliyiinta hogaaminaya aanay shaqadoodii ahayd kuwii madaxwayne siilaanyo u xil saarayna aanay warkaaba hayn oo ku mash-quulsan yihiin taytalka Magac u yaalka ah ee loo magacaabay.

Xildhibaanada golaha wakiilada waxa ay shegeen in golaha looga yeedhi doono wasiirka ganacsiga iyo sababta uu heshiiska uga dhex muuqan waayay shaqadii madaxwaynaha Somaliland u igmadayna u gudan waayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here