Isra’iil Oo Soo Ridi Kari weyday Diyaarada Drone Ah Oo Uu Ruushka Leeyahay.

0
507

Dowlada Ruushka ayaa qiratay inay lahayd diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ee Drone oo si kadis ah usoo galay hawada Isra´iil.

Ruushka-Drone-Israil

Arrintan oo dhacday sadex todobaad kahor ayaa xiisad weyn ka abuurtay Isra´iil kadib markii Gantaalada Difaaca ee Isra´iil ay soo ridi waayeen diyaaradaasi Droneka ah. Isra´iil oo adeegsaneysa gantaalada difaaca ee loo yaqaan Patriot ee Maraykanka ugu deeqay ayaan ku guuleysan waayey inay soo ridaan diyaarada hawadooda kusoo xad gudubtay.

Isra´iil ayaa sidoo kale diyaarad nooca dagaalka ah u dirtay inay soo rido Droneka oo kasoo galay dhanka wadanka ay jaarka yihiin ee Siiriya, balse diyaaradaha dagaalka ee Isra´iil ayaa laftooda soo ridi waayey drone-kaasi.

Xukuumada Isra´iil ayaa markii hore ku eedaysay diyaaradaasi Droneka inay lahayd kooxda dagaalka kala dhaxeeyo ee Xisbullah oo iyagu hada ku sugan qeybo kamid ah wadanka Siiriya, balse Axadii shalay ayey dowlada Ruushka sheegtay inay iyadu lahayd diyaaradaasi, Moscow ayaa sheegtay in diyaarada si aan ku talo gal ahayn kusoo gashay hawada Isra´iil.

Balse waxaa la rumeysan yahay in Ruushka uu doonayey inuu tijaabiyo awooda gantaalada Difaac ee Patriot oo uu Maraykanka ugu deeqay Isra´iil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here