WAR DEG DEG AH : TALIYIHII SALDHIGA DHEXE EE MAGAALADA HARGEYSA OO HADDA XABSIGA LOO TAXAABAY +SABABTA XADHIIGASA

0
427
Taliyihii saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa Maxamad Case

ayaa ayaa xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa loo taxaabay.

 

Sababta keentay xadhiga taliyahan saldhiga dhexe ayaa ah, sida ay noo xaqiijiyeen ila wareedyo lagu kalsoonaan karaa ka dib markii uu siidayyay saddex qof oo u xidhnaa qabsoomida shirka baxarasaafka.

Waxaanay wararku intaas ku darayaan in taliyahan la taxaabo waxaa amarkiisa lahaa taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland Jeneral Cabdilaahi Fadal Iimaan

Ilaa hadana sida la sheegay waxaa uu ku xidhan yahay xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa inta laga xaalayo arimaha loo heysto sida ay sheegayaan wararka aanu helaynaa.

Waa markii koobaad ee arin noocan oo kale ah loo xidho taliye ka tirsan ciidanka booliska Somaliland

Wixii warar ee danbe ka soo kordhana waxaanu idinku soo gudbin doona wararka danbe…

xigasho:Hogosha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here