Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland Oo La Filayo Inay Todobaadka Danbe U Safraan Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Iyo Ujeedada Safarkooda

0
476
Warar xog ogaal ah oo aan helayno ayaa sheegaya in xubno wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadda Somaliland la filayo In badhtamaha todobaadka danbe ay safar ugu kicitimaan magaalada Dubai ee dalka isku tagga imaaraadka carabta .Waxaana waftigan wasiirada ah sida naloo sheegay hogaaminaya wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire,kuwaasi oo la filayo inay ka hor intaanay tagin dalka imaaraadka ay ka horeeyaan dalka Itoobiya, iyaga oo masuuliyiinta itoobiyana sida ilahani noo sheegeen kawada hadlaya xoojinta xidhiidhka labada dal iyo isticmaalka dekeda magaalada berbera.

Waftigan aya la filayaa inay markaasi kadib u safraan magaalada dubai ee dalka isutagga imaaraadka carabta iyaga oo sida naloo sheegay kulamo la yeelanaya madaxda shirkada DP World isla markaana so dhamaystiraya qabyo qoraalka heshiiskii dekeda berbera ee ay dhawaan golaha wakiiladu ansixiyeen.

Wali ma jiraan wax warara oo intaa dhaafsan oo aan ka helayno safarka waftigani ay ku tagayaan magalada Dubai ee dalka isu taga imaaraadka carabta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here