Xildhibaan Bidhi Oo Ku Diirsaday Guushii Ardayda Reer Togdheer Ay Ka Hantiyeen Hoggaaminta Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Somaliland 2015-2016,

0
419

xildhibaan bidhi

 

“40-ka arday ee ugu Sareeyay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Somaliland inay Reer Togdheer ku guulaysteen 34 Kaalmood waa dhacdo lagu diirsaday”

 

Xildhibaan Mubaarig Yuusuf  Cilmi (Bidhi) oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha deegaanka degmadda Burco, ayaa guul taariikhi ah iyo juhdi layaab leh ku tilmaamay ardayda  gobolka Togdheer oo si aqlabiyad ah hoggaanka ugu qabtay  taariikhda waxbarashadda dalka, ka dib markii ay imtixaankii shahaadiga ahaa ee khamiistii lagu dhawaaqay ay 40-kii arday ee ugu sareeyay ka heleen 34 arday.

 

Xildhibaan Mubaarig Bidhi waxa uu sheegay inay ardayda  gobolka Togdheer ay dhigeen rikoodh cusub oo jiilka dambe ee gobolkaasi laga sugayo inay difaacdaan.

“Waxa si layaab leh  ii beer qaaday natiijadii imtixaanaadka shahaadiga ah ee sannad dugsiyeedka 2015-2016 ee wasaaradda waxbarashaddu ku dhawaaqday 11-kii bishan, natiijadaas waxa ardayda dugsiyadda sare iyo dhexe ee degmadda Burco iyo guud ahaan-ba gobolka Togdheer ay dhigeen wacdarro taariikhi ah oo soo jiitay dalka oo dhan gaar ahaan-na ka farxisay shucuubta gobolka Togdheer oo dhan,”ayuu yidhi Xildhibaan Mubaarig Bidhi oo caawa  u waramayay shabakadda wararka ee Gudgudenews.

“Waxa i naruuro-gelisay  oo aan u riyaaqnay 34 arday oo reer  Togdheer ahi ay galeen kaalmaha hore ee imtixaankii shahaadiga ahaa, iyadoo wiilasha iyo hablaha reer  Togdheer ay shiiqiyeen gobolladii kale ee dalka oo dhan. taasina waa mid ay mutaysanayaan bilad sharaf magac aan duugoobaynin,”ayuu si qiiro leh u yidhi Xildhibaan Mubaarig Yuusuf.

Xildhibaanku waxa uu sheegay inay dhacdadani noqotay mucjiso ay Somaliland isku bareen  ardayda reer Togdheer, waxaanu yidhi “Afartanka arday ee ugu sareeyay imtixaanka shahaadiga ah, waxa ardayda reer Burco ay ku guulaysteen 34 kaalmood, waxaanay hanteen  guul bog cusub u furaysa waxbarashadda gobolka Todheer. Waxay niyad dhis  iyo tusaale u tahay ardayda reer Togdheer ee mustaqbalka.”

“Waanu garab istaagaynaa ardayda reer Burco inaanay hoos uga dhicin mustawaha sare ee ay gaadheen, waxaan ammaanayaa maamulada  dugsiyada, macalimiintii iyo waalidkii ardaydan oo ah kuwo kaalinta ugu weyn  geliyay natiijadda ay ardaydani shaqeysteen,”ayuu yidhi  Xildhibaanku.

Kaalmaha sare ee ay urursadeen ardayda reer Togdheer waa:-

1)-Tobanka ardayd ee ugu sareeyay imtixaankii shahaadiga ahaa  ee dugsiga sare wiilal iyo hablaba ee dalka oo dhan waxay ka heleen 3 arday

2-Tobanka arday ee ugu sareeyay imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiga dhexe ee dalka oo dhan, waxay ardayda reer Togdheer ka heleen  8 arday.

3-Tobankii ardayda ee ugu sareeyay dugsiga sare ee wiilasha dalka oo dhan, waxa reer Togdheer noqday   4 arday

4)-Tobankii hablood ee ugu sareeyay dugsiga sare  ee dalka oo dhan, waxa reer Togdheer ku guulaysteen  7 arday.

5)- Tobankii arday ee ugu sareeyay  wiilasha  dugsiga dhexe, waxa reer Togdheer noqday 9 arday.

6)- Tobankii hablood ee ugu sareeyay   hablaha dugsiga dhexe waxay reer Togdheer  ka calfadeen  3 arday.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here