Murrashaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump Oo Saxaafada Ku Eedeeyay Inay Dagaal Kula Jirto Ololahiisa.

0
631

Murashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Jamhuuriga Maraykanka Donald Trump oo todobaadyadii lasoo dhaafay dhibaatooyin waaweyn ka qabsadeen fadeexooyin is xig xigay ayaa arrimahaasi oo dhan ku eedeeyey inay ka danbeyso saxaafada Maraykanka oo uu sheegay inay dagaal ku hayaan ololahiisa.

Trump-saxaafada-2-740x414

Trump ayaa khudbadiisii ugu danbeysay ee uu soo jeediyo sheegay in hada tartanka uusan kula jirin murashaxa kasoo horjeeda ee Hillary Clinton, balse tartanka doorashada uu kala dhaxeeyo saxaafada Maraykanka oo uu sheegay inay wado qorshe ka dhan ah xisbigiisa.

Donald Trump oo horey usoo aflagaadeeyey dadyow badan oo ay ku jiraan Latinka, Muslimiinta, hogaanka xisbigiisa iyo waliba Saxaafada ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay waxa la sheegayaa inay hoos si weyn ugu dhacday taageerada uu ka helayey shacabka Maraykanka.

“…Waa wax laga yaq yaqsado iyo saxaafada aan daacada ahayn hadii ay warkayga caadi u tabin lahaayeen oo aysan hadalkeyga mar walba bedalin, waxaa hubaal ah inaan ka guuleysan lahaa Hillary illaa 20%…” ayuu yiri Murashax Trump oo khudbadihiisa ugu danbeeyey uu walaac ka muujinayey in hadii looga guuleysto doorashada ay ka dhigantahay in la musuq maasuqay codkuu isaga heli lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here