Xildhibaano Gollaha wakiillada Ah Oo Siyaabo Kala Duwan Uga Hadlay Magacaabista Yaasiin Faratoore Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha

0
632

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa madaxwyanaha Somaliland ku bogaadiyey magacaabista wasiirka arrimaha gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoore) oo ka soo jeeda gobolka Sool kaasoo uu xildhibaanku sheegay inuu wax wayn ka tari doono tabashadii beesha Sool  ay Somaliland ka qabtay, waxaana uu yidhi:

unnamed

“waxaan bogaadin iyo hambalyo u dirayaa go’aanka uu Madaxwaynuhu ku dhiiraday ee uu wasiirka arrimaha gudaha ka dhigi nin ka soo jeeda deegaankaas (Sool) oo aanu isleenahay wax badan ayuu ka badali doonaa waxyaabihii ka jira bariga oo aanu shakhsiyadiisa naqaano”.

Geesta kale Xildhibaan Cawad Cali Bukhaari oo ka mid ah mudanayaasha laga soo doorto gobolka Sanaag ayaa sheegay in Madaxwayne Siilaanyo magacaabista Faratoore uga dan leeyahay inuu soo xero galiyo ama gacanta ku soo dhigo dad ay wasiirka cusub isku beel ahaayeen oo dad ku laayay deegaanka Oog isla markaana baxsaday. Xildhibaan Bukhaari oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

“Anigu waxaan u malaynayaa sababta ugu wayn ee Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir oo Faratoor loo yaqaano loogu magacaabay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka wakhtigan xasaasiga ah, kaliya waxa weeyey raggii uu adeerka u ahaa ee ay ilmaadeerka ahaayeen ee ramadaantii ina dhaaftay ramadaanteedii tuulada la yidhaahdi Guumays ee oog duleedkeeda ah dadka shacabka ee markii dambena jeelka si madax banaan looga sii daayay dadkii hawshaas loo gaystayna ay wali hibanayaan inuu soo qabqabto oo uu sharciga mariyo in loogu dhiibay ayaan filayaa anigu” ayuu yidhi Xildhibaan Bukhaari.

Wasiir Faratoore ayaa ka mid ah dadka kooban ee wakhtiyadii qadhaadhaa la soo maray Somaliland waxaana haatan loo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here