Madaxweyne Caan Ah Oo Shacabkiisa Amray Inay Eyda Qashaan, Kadib Cunto Yaraan Soo Waajahday.

0
605

Madaxweynaha dowlada woqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa shacabkiisa amar ku siiyey iney qashaan Eyaha oo ay raashiin ka dhigtaan.

This picture taken on June 17, 2015 shows a butcher preparing cuts of dog meat for sale in Yulin, in southern China's Guangxi province. People from Yulin traditionally celebrate the solstice during midsummer on the longest day of the year by eating dog meat and lychee fruit, which draws criticism from animal rights activists. CHINA OUT AFP PHOTO (Photo credit should read STR/AFP/Getty Images)

Hadalka Kim Jong-un ayaa yimid ka dib markii cunto yari iyo gaajo adag ay soo wajahday shacabka wadankaas.

Kim Jong-un oo 27 jir ah ayaa noqday keligii taliye awaamiirtiisu adag yihiin oo aan laga daba hadlin, isagoo xitaa ka daran aabihii iyo awowgii oo xukunta uga horeeyey.

Shacabka wadanka ayaa bilaabay iney fuliyaan amarkiisa iyadoo warbahinta wadankaas ay dadka ku boorinayaan iney cunaan hilibka Eyda oo ay ku tilmaamayaan iney leeyihiin borotiin iyo fitamiimo.

Kawaanada wadanka ayaa bilaabay iney maalin kasta qalaan kumanaan Ey ah si ay dadka uga iibiyaan iyadoo makhaayadahana laga heli karo hilibka eeyga.

Wadanka koonfur Kuuriya oo ay ka jirto dowlad shuuci ah ayaa go’doon ka ah caalamka intiisa kale, waxaana xayiraado caalami ah oo ay ku soo rogtay QM ka dib markii dowlada wadankaas ay diiday in la baadho hub nuclear ah oo lagu tuhunsan yahay iney sameysatay, waxaana colaad adag ay kala dhexeysa maraykanka iyo dowladaha deriska qaarkood sida Koonfur Kuuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here