Garaad Jaamac Garaad Cali Oo Wadahadalo Ku Xidhiidhsan Heshiiska Khaatumo, Magaalada Saaxdheer Kula Yeeshay Saladiin Rer Togdheer Ah.

0
693

Kulankii Saddexda Suldaan Iyo Garaadka IYO Dareenka Cali Khaliif Galaydh

SSSSSSSSSS

(QYN)-Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka guud ee Beelaha Dhulbahante iyo Garaadka hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, ayaa kulan ku Xidhiidhsan wadahadaladii Somaliland iyo Kooxda Khaatumo wuxuu magaalada Saaxdheer  oo fadhigiisu yahay kula yeeshay saddex Suldaan oo ka soo jeeda bariga Magaalada Burco

Suldaan Maxamuud Xaji Xuseen,  Suldaan Maxmauud Guuleed Mirre iyo Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale ayaa kulankaas la yeeshay Garaad Jaamac Garaad Cali.In kasta oo aan wali loo ogayn waxyaabaha rasmiga ah ee kukankaas ka soo baxay hadana siday warar ku dhaw dhaw uu ku helay Wargayska Somalilandtoday, waxay labada dhinac isla qaateen in la sii anbo qaado wadahadalka,  sidoo kale shirka 25  bisha Tobnaad lagu qaban doono magaalada Burco ee uu gogoshiisa dhigay Madaxweynaha Somaliland uu ka soo qayb galo Garaadku.

Geesta kale Siyaasi Cali Khaliif Galaydh oo ku sugan Magaalada Buhoodle ayaa ku wergaliyay sarakiisha Kooxda Khaatumo shirka Garaadka iyo Saladiinta dhexmaray isagoo u sheegay inuu qayb ka yahay heshiiska wadahadal ee ay la wadaan Somaliland.

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here