War Deg Deg Ah: Laba Gaadhi Oo Siday Agabkii Diwaangalinta Hol-Hol, Oo Lagu Afduubay Gobolka Sool.

0
719

Laba gaadhi oo u kiraysnaa Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa lagu afduubay Gobolka Sool.

(QYN)breaking_news-620x3301-150x150Labadan Gaadhi oo ah Laankaruusaro, waxay sideen Sanduuqi Magaalada Hol-Hol, ee Diwaangalinta waxaana lagu ka xaystay agabkii saarnaa.
Sida wararka hordhac ahi ku soo gaadhayaan Shabakada Wararka ee Somalilandtoday.com, waxba may gaadhin shaqaalihii saarnaa Gawaadhida, waxaanay ku amreen kooxdii Gawaadhida ka xaysatay inay ka degaan, balse waxay ku kaxaysteen agabkii Sanduuqa Hol-Hol ee saarnaa.
Kooxda Khaatumo oo wadahadal la waday Somaliland ayaa labadaas gaadhi kaxaystay, waxaanay hadda ku sugan yihiin gawaadhidaasi sidaanu wararka ku helayno Magaalada Widh-Widh. Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo maanta ay soo xidhmayeen todobadii casho ee guud ahaan Gobolka goobihiisa ay Diwaangalintu ka soo xidhmaysay.
Somalilandtoday/Hargaysa/Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here