Golaha Deegaanka Hargeysa Ma Yahay Mid U Qalma Maamulka Dawlada Hoose Mise Waa Ku Dulsaar…Xog Ururin Ku Saabsan Dawlada Hoose.

0
718

QAYBTII  6AAD

DAYACNAANTA CAASIMADA IYO DAKHLIGA DHH HARGEYSA

maanta waxaynu  iftiimin doonaa faraqa u dhexeeya Cashuurta  Goolaha Deegaankii hore iyo Golaha Deeganka Jooga hada,  korodhka cashuurtan aan aqoonta iyo khibrad midna ku saleysnayn ee maalinkasta la kordhinayo  iyo  dakhliga soo gala Golaha deegaanka Caasimada Hargeisa Maalintii , Bishii, iyo Sanadkaba  +dayaca , Qorsha la,aanta iyo Maamulka Xumada Baahsan ee Dulhoganaysa , Meelaha ugu xooga badan ee Dawlada hoose dakhligu ka soo galo ayaa waxay kala yihiin kuwan soo socda oo ay dhamaantood kordhiyeen boqolkiiba boqol iyo ka badan marka la barbar

higo Golihii deegaanka ee ka horeeyey marka laga yimaado cashuurta tooska ah ee ay qaadaan waxa u dheer kabka dawlada dhexe siiso dawladaha hoose iyo mashaariicda Haayada Samafalku siiyaan sida kuwa JPLG ga

Fiiro : (Bishu 26 maalmood inagoo ka jarayna afarta Jimce ee bisha ku jira)

1: CASHUURTA BIRIMIYEERKA

Tiro Nooca Qiime Hore Qiime Cusub
1 Ruqsada Dhulka (Premium land 1m2) 1,200.00 1,500.00
2 Dhalan Roga dhisme (farasmagaalaha) $100 $500

 

a)      Cashuurta Ruqsada dhulka (Premium of land M2) Dhulka halkii Mitir Qiimaha Dambe  1500/=shsl halkuu Qiimihii hore ahaa 1200/=shsl , hadii malintii ruqsad looqaato celcelis ahaan 40 dhul cabirkooduna yahay celcelis ahaan 18*18=324×40=12960M2*1500/= 19440000/= Maalintii*26 Maalmood ee Bisha 50,544,0000/= * 12 Bilood ee sanadka = 606,528,0000/=shsl Doolar waxay ku noqonaysaa  $808704

b)      Cashuurta Dhalan rogid dhisme Farasmagaalo markii hore qiimihiisu waxa uu ahaa $100 imikana Qiimaha dambe waa $500 waxa  la kordhiyey 400% waxaynu arkaynaa maalinkasta xawliga dhalan rogida iyo casriyeynta Magaaladu kor ayuu u socdaa, hadaba celcelis ahaan hadii maalintii 10 Dhisme ladhalan rago waa sidan , 10*500=$5000 Malintii $5000*26 Maalmood= $130,000*12 Bilood sanadka = $1,560,000

CASHUURTA KALAWEREEJINTA

a)      Cashuurta kalawereejinta hantida guurtada ah iyo ta-maguurtadaa noocyadadeeda kala dawan sida Dhul ,Dhisme,Gaadiid Qiimaha kalawerejintu waa 2% , hadaba Qiimaha kala Iibsiga ee daafaha magaalada  inagoo meel isugu gaynayna qiimaha ugu hooseeya  iyo ka ugu sareeya celcelis ahaan waxaynu qaadanaynaa Qiimaha dhexe  $30,000*2% =$600 Hadaba Xafiiska kala Wareejinta cecelis ahaan haday soo galaan Maalintii 10 Dhul ,Jago ama Dhisme, oo lakala wereejinayo $600*10 Dhul /Dhisme Maalintii = $6000*26 Maalmood ee Bisha =  $156000*12 Bilood ee Sanadka = $1,872,000

CASHUURTA JEEXISTA DHULKA

a)      Makhsinka iyo fooqu makala laha darajo marka la jeexayo dhismaha  ee waa isku qiimo hadaba Goolihii deegaanka hore Qiimaha  jeexistu waxay ahayd $100 halka Goolahan Deegaanku  maanta ka dhigay Qiimaha Jeexistu $200 cecelis ahaan inagoo tirada ugu yar soo qaadanayna hadii maalintii la jeexo 35 dhisme Magaalada Hargeysa waxay noqonaysaa dakhliga Jeexistu Maalintii 35*200=$7000*26 Maalmood ee Bisha = $182000*12 ee sanadka $2184000

CASHUURTA IIBKA XOOLAHA

Tiro Nooca Qiimihii Hore Qiimaha Dame
1 Geela 5,000.00 10,000.00
2 LO’da 4,000.00 6,000.00
3 Adhigs 1,000.00 2,000.00

celcelis ahaan maalintii hadii la cashuuro xoolo dhan 150 Geela +200 LO’da + 500 Adhiga  .

150*10,000=1500,000/= ,  200*6000=1200,000/= , 550*2000=1100,000/= Dakhliga celcelis ahaan ka soo baxa cashuurta Iibka Xolaha Maalintii 3800,000/=*30 Maalmood= 114,000,000*10 Bilood= 114,000,0000/=

Labada bilood ee Ciida Arafo ayaa ka dakhli badan 10 ka bilood ee kale marka labarbar dhigo celcelis ahaana hadaynu yarayno waxa ka soo baxa Maalintii 45000000*60 Malmood= 2,700,000,000/= Isugaynta 10 Bilood 1,140,000,000 + 270,000,000 Celcelis ahaan Dakhliga Sanadkii waa =3,840,000,000/= Doolar ahaana Sanadkii Waa$512000

CASHUURTA QAADKA

a)      guud ahaan Qaadka soo gala dalka  waxa uu noqday  35,334,734 KGS Sanadkii(shan iyo milyan sedex boqol afar iyo sodon kun todoba boqol iyo afar iyo sodon Kiiloo oo Jaada) Tixraac Warbixin sanadeedkii Wasaarada Maliyada 2015 Sources ; (Ministry of Finance customs Department Yearly Statistics Report 2015) hadaba qaadka markaynu yarayno Hargeysa waxa lagu cunaa 60% cashuurta laga qaadaana waxa waa Xaqal Xashii Jawaan kastana waxa laga qaadaa lacag dhan 10,000/=Shsl markaynu qaadano celcelis Maalintii Waxay Noqonaysaa Jaadka Dalka soo gala  98152.4 KGS *0.6= Hargeysa Tirada Qaadka soo gala maalintii 58891.2233KGS/2o = 2944.5 Jawaan *10,000/= Cashuurta Xaqal Xashiishka ka soo gasha Dawlada Hoose celcelis ahaan waxay noqonaysaa Maalintii 29,445,611.7/= *30 =883,368,351/=*12 Bilood ee Sanadka = 10,600,420,212/=Shsl Dollar ahaan markaynu u badalno sanadkii  $1,413,389.28

Lasoco Qaybta Dambe 

Mustafe Ismail Abdi (M Diini)

 (MA Candidate of IR and Diplomacy)

Mustapha20024@yahoo.com

 sawir12-jpg

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here