Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaji Xasan Oo Markale Ka Hadlay Xaalada Abaaraha, Shacbiga Gobolada Galbeedka Ku Dhaqana Ugu Baaqay Inay U Gurmadaan Walaalahooda Gobolada Bari.

0
571

wasir xirsi caliQYN-Hargaysa) Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa markale ka hadlay xaalada abaaraha ee dalka Somaliland ka jirta, taas oo faro badan u haysa xoolihii iyo dadkii u dhaqnaa Gobolada bariga.

Xirsi Cali Xaji Xasan oo maanta la hadlaayay kumanaan qof oo ku soo dhaweeyay Gobolka Awdal Murashaxa jagada Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga WADDANI, Amb. Maxamed Cali iyo masuuliyiinta Xisbiga WADDANI oo galbinaayay waxa hadaladii uu abaarta ka yidhi kamid ahaa

Waad ku mahadsantihiin soo dhawaynta qiimaha leh, Gobolka Awdal  iyo rer Borame waad is muujiseen waanad cadayseen tageerada aad u haysaan Xisbiga WADDANI insha allah doorashadana sidaa maanta oo kale ayaa looarki doona. Waxaan leeyahay Saxiibkay Axmed Muumin Seed  iyo raggii kale ee wax tabanaayayna waanu is-qancinaynaa oo cid is qasbaysa ma jirto, Xisbiga WADDANI-na layskuma muquuniyo ee waa laysla tashadaa. ” Sidaa waxa yidhi Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaji Xasan, isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu yidhi

“Waxaan idiinku baaqaynaa in aad u gurmataan abaaraha ka taagan dhinaca Gobolada  bBarri ee dalka oo ay saamaysay xoolihii iyo dadkiiba, cawska calafka, raashinka iyo biyahaba inaad gaadhsiisan. Wallaalyaal u gurmada dadka sidii shalay laydinku soo gurmanaayay markii abaartu idin haleeshay. Shalay waxaan idiin imanjiray anigoo Madaxweyne Axmed Siilaanyo la socda, maantana waxaanu gelbinaynaa Madaxweyne-xigeenka Somaliland ee soo socda insha allaahu tacaala”. Sidaa waxa yidhi Hoggaamiye Xirsi Cali Xaji Xasan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here