Booliska dalka Denmark oo sheegay inay gacanta ku dhigeen soomaali gurigiisa qaraxyo ku haystay

0
646
Saraakiisha dowladda Denmark ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen nin Soomaali ah oo ay sheegeenin gurigiisa laga helay Waxyaabaha Qarxa.booliska-denmark-23
Waxaana Ninkani lasoo taagay Maxkamad ku taalla Magaalada Aarhus ee Bariga dalka Denmark, waxa ayna ciidanka ammaanka sheegeen in ninkaasi xabsiga lagu sii heyn doono muddo dhan 4 todobaad ah  madaama ay wali ku wadaan baaritaano dheeri ah.
Ninkan oo ay ka gaabsadeen saraakiisha inay shaaciyaan magaciisa, ayaa lagu soo qabtay howgal qorshaysan oo ay ciidanka ammaanka ay ka fuliyeen hoygiisa uu ka deganyahay dalkaasi Denmark.
Rene Raffo oo ah Afhayeenka ciidanka Booliska ayaa sheegay in y u adeegsadeen ninkaasi sunta dadka ka ilameysiisa , madaama uu isku dayay inuu ka baxsado ciidanka ammaanka, oo howgal Gaar ah ka waday goobo lagu tuhmay inay joogaan dad xiriir la leh ururka Daacish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here