Maxbuus xirnaa 63 sano oo markii la sii daayay diiday in uu xabsiga ka baxo

0
602

Joseph Ligon oo kasoo jeeda magaalada Philadelphia, gobolka Pennsylvania ee dalkaasi Mareykanka ayaa diiday in uu bannaanka uga boxo xabsiga oo uu ku xirnaa 63-sano kaddib markii la fasaxay oo lasii daayay

 

Ninkan oo iminka 79 jir ah ayaa galay dambi dil ah isaga iyo rag saaxiibadiis, waxaana ay mindi ku dileen labo nin sanadkii 1953-dii magaalada Philadelphia, isagoona waqtigaas uu jiray 15-sano.

Ninkan ayaa ku andocoonaya in deysmada lasii deynayo ay tahay mid tijaabo ah islamarkaana aysan aheyn mid gebi ahaanba xabsiga laga sii deynayo. Waxa uu dalbanayaa in si toos ah loosii daayo.

Maamulka xabsiga ayaa shegay in maalmo fasax ah lagu siideynayo oo keliya islamarkaana uusan dhameysan xukunkiisa.

Joseph Ligon ayaa isna dhankiisa sheegay in 63 sano oo noloshiisa ka mid ah laga cunay, ayna ku filan tahay.maxbus

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here