(QYN Muqdisho) Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo wadamada Beesha Caalamka iney u gurmadaan shacabka Soomaaliyeed ee la ildaran dhibaatada ka dhalatay Abaaraha baahsan ee ka aloolsan gayiga Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay iney gurmad la gaaraan walaalahooda dhibaataysan ee ay saamaynta weyn ku yeelatay Abaarta ba’an ee ka jira deegaanada Somaliland iyo Puntland.