Dawladda-Turkiga-Oo-Cadaysay-Ahmiyada-Koowaad-Ee-Ay-Ka-Leedahay-Wada-Hadalada-Somaliland-Iyo-Somaliya

0
632

yySafiirka Turkiga u fadhiya dalka Somaliya danjire Olgan Bekar, ayaa cadeeyay ujeedada koowaad ee ay dawladiisu ka leedahay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ee ay martigelinaysay tan iyo sannadkii 2013.

Danjire Olgan oo waraysi ay la yeelatay idaacadda VOA, wuxuu sheegay in ujeedada ugu muhiimsan ee Turkigu ka leeyahay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya tahay soo celinta midnimadii burburtay ee Somaliya “Annaga sidaad la socotaanaba xalinta mushkiladaha Somaliland iyo Somaliya waxaanu u maraynaa dariiqa wada hadalka, hadafkayagu waa hagaajinta wada jirka Somaliya, sidaas daraadeed laga soo bilaabo 2013 ilaa hadda waxaanu martigelinay wada hadalada Somaliya iyo Somalialnd weli mawduucaas shaqadiisa waanu ku gudo jirnaa arrintase noogu muhiimsan ayaa ah wada jirka iyo midnimada walaalaheena Somaliyeed.” sidaas ayuu yidhi Safiirka oo la weydiiyay mawqifka Dawladda Turkiga ee qaddiyadda Somaliland.

Safiirka oo la weydiiyay sababta ay hakadeen wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, wuxuu yidhi “Wada hadalada muddo dheer ma qabsoomin taasi waa run sababtoo ah dhinaca Somaliya waxa la galay doorashooyinka markaas dawladda Somaliya waxay sheegtay inaanay munaasib ku ahayn in wada hadaladu furmaan iyadoo lagu jiro wakhti doorasho, Somaliland xataa taasi way aqbashay markaas maadaama labada dhinac raali ka wada yihiin wada hadalada waxaanu dib ugu dhignay doorashooyinka ka dib, waana wax macquul ahwaayo doorashooyinku ha dhacaan; xukuumad cusub ha timaado ka dibna aan wada hadalada waajahno iyadoo labada dhinac si wanaagsan u soo diyaar garoobeen.”

Hadalkan safiirka ee cad ayaa ka horimanaya qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland oo ay shacabka Somaliland go’aansadeen inay xorriyadoodoo soo celiyaan sannadkii 1991.

xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo weli wax jawaab ah kama soo saarin hadalkan dawladda Turkigu, wuxuuse hadalka Safiirka Turkigu taageerayaa hadalada ay warbaahinta siiyaan madaxda Somaliya oo uu u horeyo Xasan Sheekh Maxamuud oo sheega inay wada hadalada uga dan leeyihiin soo celinta midnimadii burburtay ee Somaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here