Xildhibaan Nuux Maxamed Xuseen Oo Ka Hor Yimid Qorshe Xirsi Cali X. Xasan Taageero Ugu Doonayay WADDANI

0
698

– Xildhibaan Nuux Maxamed Xuseen,  oo ka tirsan mudanayaasha golaha deegaanka magaalada Burco, kana soo baxay xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE ayaa is hortaagay,  isla markaana dhiciseeyay qorsheyaal uu hogaanka xisbiga WADDANI taageero kaga raadinayay magaalada Burco iyo guud ahaan gobolka Togdheer.

 

xildhibaan-nuux-maxamed

 

Sida wararku sheegayaan, hogaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Burco ayaa abaabulay shirar doceedyo uu la yeeshay xubno ka mid ah reerka uu ka soo jeedo, isaga oo u soo bandhigay in ay is garab taagaan oo ay  taageero ku siiyaan xisbiga WADDANI.

 

Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu dadkii kulamadaasi ka qayb qaatay u soo bandhigay in ay sameeyaan olole iyo abaabul hor leh oo lagu muujinayo in uu taageero ka haysto beeshii, ilsa markaana loo qabto xaflado iyo munaasibado waaway.

 

 

Ilo xogogaal ah oo aanu ka helnay magaalada Burco ayaa sheegaya in xildhibaan Nuux Maxamed Xuseen uu si badheedh ah uga soo hor jeestay qorshaha iyo abaabulka Hogaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, kaas oo kala hortagay olole uu ku dhicisaynayo arrintaasi, iyada oo la sheegay in uu kaga awood roonaaday bulshda dhexdeeda.

 

 

Wararka arrintaasi la xidhiidha ayaa sheegaya in dadkii kulamadaasi ka qayb qaatay aanay u qudhqudhsamin soo jeedinta hogaamiyaha Xisbiga WADDANI, isla markaana aanay wax taageero ah u muujin, taas oo sababtay in tiraba dhawr jeer ay guuldaraystaan shirar iyo xaflado uu doonayay Hogaamiyaha WADDANI in uu ku qabto magaalada Burco.

 

 

Wararku waxa kale oo ay intaasi ku dareen in dhalinyarada, waxgaradka iyo aqoonyahanka beeshaasi ay Xirsi Cali Xaaji Xasan u caddeeyeen in aanay wax taageero ah u haynin, taasina ay ku noqotay waji-gabax iyo waxaanu filayn,  isla markaana ay u sheegeen in ay jawaab cad ka bixin doonaan hadii uu qabto xafladaha waji ku macaashka ah ee wakhtiyadan ku soo batay saaxadda siyaasadda Somaliland.xildhibaan-nuux-maxamed-302x260

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here