War deg dega,Jamaal Cali Xuseen Oo Caawa Kullan Ballaadhan Ku Yeeshay Madaxtooyada

0
623

Kullankan ka dhacay qasriga Madaxtooyada Somaliland ee dhexmaray Jamaal Cali Xuseen iyo Marwo Aamina Waris, ayaa la sheegay inuu ka dhashay dalab ka yimi dhanka  Jamaal Cali Xuseen,kaasi oo ay Marwo Aamina Waris-na ka ogolaatay,isla markaana waxay ku casuuntay qasriga looga arimiyo dalka ee Madaxtooyada.

 

madaxtooyadaWararka laga helayo kulankaasi ayaa sheegaya inuu Jamaal Cali Xuseen ula shirtegay Marwo Aamina –waris  cabashooyin is barkan oo uu ka tirsanayo waxaada Garsoorka, guddiga Diiwaangelinta iyo weliba Hay’addo kale oo  ka tirsan Xukuumadda uu hoggamiyo Axmed Siilaanyo,cabashooyin-kaas oo ahaa  qaar uu ugu gudbiyey Jamaal Cali qoraal iyo af-ba marwoda.

 

Iyadoo  la sheegay in ay  cabashooyinka badhkooda ka garowday Marwo Aamina Waris,balse ay si cad ugu sheegtay in aanay jir wax ay hadda ay ka qaban karrayso,iyadoo u gunuday inuu iska samro,taasi oo uu Jamaal-na ku raacay marwoda

 

 

 

Dhanka kalena Aamina-waris ayaa la sheegay in ay Jamaal u sheegtay in maaliyadii kaga khaasaartay Xisbiga UCID, ay farta ka saari-doon,waxaanay ka dalbatay inuu isna taageero xisbiga KULMIYE,isla markaana uu kala shaqeeyo sidii uu Xisbiga KULMIYE doorashada ugu guuleysan lahaa.

 

 

 

Geestsa Jamaal cali xuseen ayaa talooyinka ay Marwo Aamina Waris u soo jeedisay ku soo dhaweeyey howraarsan iyo haddal san Eedo,waxaanu u sheegay in ay Muuse Biixi kulmeen,isla markaana ay galeen wacad iyo heeshiis labadoodu uun isla ogaayeen,”Muuse waanu kullanay Si Sharaf leh ayuu iila haddlay ana si sharafle ayaan ula haddlay arina meel ayaanu dhiganay”  Jamaal

 

Si kastaba ha-ahaatee kullan-kan ay caawa qasriga Madaxtooyada ku wada yeesheen Aamina waris iyo Jamaal Cali Xuseen ayaa ku soo dhammaaday, guul iyo is afagarad, waxaana loo ballamay kullan kan ka duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here