Trump oo sheegay in wiilkii Soomaaliga ahaa ee weerarka Ohio geystay uu ahaa qaxooti aan mudneyn inuu dalka joogo

0
710

Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ninkii Soomaaliga ahaa ee dhowrka qof ku dhaacaway jaamacad ku taalla Ohio ka hor inta aan isaga la toogan uu ahaa qaxooti aan mudneyn inuu markii horaba dalka sii joogo.

 

Weerarkaasi oo Jimcihii dhacay ayaa waxaa geystay wiil Soomaali ah Cabdul Rasaq Cali Cartan oo jaamacadaasi wax ka baranayay.

Kooxda la magac baxday Dowladda Islaamnka ayaa sheegatay inay ka dambeysay weerarkaasi oo 11 qof lagu dhaawacay.

lagu dhaawacay.

abdulrazak-ali

trum

 

“Kooxda ISIS ayaa ku faaneyso tooriyayntii jamaacadda Ohio oo uu geystay qaxooti Soomaali ah oo markii horaba aan mudneyn inuu dalkeena joogo”, ayuu yiri, Donald Trump oo bartiisa Twitter-ka hadalkan ku qoray.

Bilihii ugu danbeeyay, masuuliyiinta federaalka ayaa ka digay khatarta weerarada mintidiinta ay ku adeegsan karaan mindi iyo baabuur si ay dad u weeraraan

Kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ee IS, ayaa ku guubaabisay dadka taageersan inay isticmaalaan wax walba oo ay weerar ku qaadi karaan.

Waxay kaloo ugu baaqday in dadka ay isticmaalaan baabuur, si ay u weeraraan xuska maalinta Thanksgiving Day, ee la isugu soo baxay magaalada New York maalmihii la soo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here