Kursigii ugu horeeyay ee aqalka hoose xubin Somaliland oo lagu doortay Muqdisho

0
765

Guddoomiye kuxigeenkii labaad ee baarlamaanka waqtigiisa dhamaaday Mahad Cabdalla Cawad ayaa ku guuleystay Kursiga ugu horeeyay ee Aqalka hoose Xildhibaanada Gobolada Waqooyi, kaddib doorasho goor dhow ka dhacday magaalada Muqdisho.

 

 

Mahad Cawad ayaa helay 50 cod, kursiga aqalka Hoose ee Beeshiisa, iyadoo Musharax kale ee la tartamayay oo lagu magacaabo Xasan Maxamed Nuur uu helay 1 cod.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka dadban Avv. Cumar Dhagey oo doorashada goob joog ka ahaa ayaa sheegay in kursigii u horeeyay ee kuraasta ay ku tartamayaan Xildhibaanada Gobolada waqooyi lagu doortay magaalada Muqdisho.

Avv. Cumar Dhagey ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada, isagoo sheegay in Mahad Cabdalla Cawad uu helay 50 cod, halka ninka la tartamayay Xasan Maxamed Nuur uu helay hal cod, sidaasna uu Mahad Cawad ku guuleystay Kursigii u horeeyay ee Xildhibaanada Gobolada waqooyi.

Xildhibaan Mahad Cabadala Cawad oo ka hadlay goobtii lagu doortay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in loo doorto Kursigii u horeeyay ee Xildhibaanada waqooyi ee doorashadooda ka dhaceyso magaalada Muqdisho.

Doorashada oo hada ka socota Xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis ayaa waxaa goor dhow la dooranayaa saddex kursi oo ah Xildhibaanada Beelaha Banaadiriga ah.xil-cawad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here