Madaxweynaha Oo Safar Ugu Baxaya Dalka Imaaraadka Carabta Iyo Dalka Kuwait

0
576

Madaxweyne Siilaanyo iyo xubno ka mid ah golihiisa wasiirada ayaa la wariyey in maalinta Axada safar ugu baxayaan dalka imaaraadka carabta, socdaalka madaxweynaha ayaa salka ku haya sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhkii labada dal iyo in halkaa laga sii anbo qaado heshiisyadii  labada dhinac waxaaney wararku intaa ku darayaan in madaxweynenaha iyo imaaraadku ka wada hadlayana sidii loo casriyeyn lahaa madaarka Berbera  oo ka mid ah madaarada ugu weyn qaarada Africa kaas oo in muddo ah duulimaad yadu ka xidhnaayeen bale ahda loo siidaayey, dhanka kale waxay xoguhu tibaaxayaan in  madaxweynuhu uga sii gudbayo dhankaa iyo dalka Kuwait halkaas oo kulan la qaadanayo madaxda dalka Kuwait oo dalka Somaliland ka caawisa dhinac maalgalinta iyadoo qab ka ahayd maalin galintii ay ku samaysay madaarka caasimada hargeysa iyo xarunta agoomaha hargeysa, kulanka ayaa diirada lagu saaridoonaa sidii dawlada Kuwait dalka Somaliland uga caawin lahayd maalin galin ay ku samayso madaarka magaalada burco iyo madaarka magaalada boorama kuwaas oo xukuumadu ku samaynayso dayactir iyo ka shaqaysiin si loogu soo hirto madaaradaas oo ay maalgalinteeda caawimo ku bixinayso dalka Kuwait.silaanyo

Qoryaalenews/Office

Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here