Shaqaalihii Idaacada Qur’aanka Kariimka Oo Mushaharkoodii La Duudsiyey Iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Oo Inkiray Inay Xaqoodii Siiyaan

0
435

“Walal Hore Ayaanu Dhididkayagii U dhaafnay Imikana Waxaanu leenahay Sanad Iyo Sideed Bilood Markaanu Cabaneyna Madaxaa Naloo Meer-Meerinayaa Waxaanu Qaadanaa Waa 250 Shilinka Somaliland ah”

“Markaanu Aragney In Xaqayagii aanu Lahayn Nala Duudsiyey Shaqaalahayagii Waanu Shirnay Waxaanu Garaney In Ilaahay Dartii Udhaafno Oo Qawlkaa Alle Ee Aanu Shideyno Ilaahay Wax Ka Wanaagsan Noogu Badelo Oo aanan Faraha Ka Qaadin” Mid Ka Mid ah Shaqaalaha Idaacada Qur’aanka

Ilo xogagala oo ka imanayada wasaarada warfaafinta Somaliland ayaa tibaaxaya in Shaqaalihii idaacada qur’aanka kariimka ee Radio aaney muddo sanad iyo sideed bilood aaney mushahar qaadan, shaqaalahan oo ah maskaxda shida quraanka ka baxa idaacada ayaa xaqoodiila muddo waxaana la wariyey inay inkireen masuuliyiinta wasaarada warfaafintu, mid ka mid ah shaqaalaha idaacada quraanka oo ka cudur-daartay in magaciisa la baahiyo ayaa wargeyska SAHAN uxaqiijiyey in xuquuqdoodii la duudsiyey ayaa ka xog waramay sida xaalkoodu yahay. “ walal waxaan ka shaqeeyaa wasaarada warfaafinta gaar ahaan qaybta idaacada qur’aanka kariimka ah waxaanu ka kooban nahay sideed qof mushahar waxaanu qaadanaa laba boqol iyo konton kun oo shilinka Somaliland ah walal xaalkayagu wuu iska barako badan yahay xaqayagii wuu maqan yahay sanad iyo sideed  bilood dar mushahar maanu qaadan markii hore ee agaasimihii hore ee cabdirashiid joogay waanu qatanayn oo musharkii anagoo leh baa ilkacase la keenay xaqayagii nasii baanu ku nidhi isna wuxuu noogu jawaabay intii hore iska dhaafa oo aniga imika ila xisaabtama” shaqaalahan xaqoodii ka qatan mudada badan ayaa ka warbixiyey dhacdooyin garnaqsiya isagoo weedho gardoon ah badka soo dhigay wuuxuna ka shifay sida agaasimaha wasaaradu u inkiray inuu dhididkooda siiyo wuxuuna yidhi. “  ilkacase markuu yimi ee aanu rajo naawil nahay maalin walba af macaan iyo afmiishaarnimo ayuu nugula hadlaa isaga iyo masuuliyiinta kale maalin shaqada kama maqnaano mararka qaar saqda dhexe baanu anagoo guryahayaga jiifna usoo kacnaa iyagoo hurda hadana madaxdu iyagoo sidaa udhaxma ayaanu hadana aragnaa iyagoo ku faanaya waxaanu qabaney oo wax qabad ka dhiganaya  xaalku halkaa markuu marayo Ayaan isku nimi shaqaalahayaga idaacada qur’aanku waanu shirnay waxaanu ku tashanay in aanan cid dambe waxba weydiin oo ilaahay dartii ushaqayno maadaama aanu qawlkii alle shidayno isaga wax ka wanaagsan noogu badalaya aayanu nidhi mar hadii xaalku sidan noqdey ilaahay baanu talo saaranay oo cadaalad ka doonay ragayaa qawlka alle shidayaa inaaney waxba waayin” idaacada qur’aanka kariimka ah oo ah mid kaalin weyn kaga jirta dalka Somaliland iyo bulshadiisaba ayaa hadana waxaa muuqda tacadiyo la ilduufay iyo cadaalad daro isqoorsatay wasaarada warfaafinta oo ay dulhoganeyso kala sareyn iyo sadbursiimo dhanka mushaharka shaqaalaha ah waxaana jirra maaliyad loogu talo galay idaacada qur’aanka oo baal mara habkii loo qorsheeyey iney ubaxdo maaliyadaasi, dhanka kale madaxda wasaarada warfaafinta ayaa indhaha ka qarsanaya dhaqdooyinkan isku dul-sidkan ee ka dhex jira wasaarada  mushaharka shaqaalaha idaacada qur’aanka ayaa ilahani tibaaxayaan in lagu sameeyey wax isdaba marin iyo musuq-maasuq lagu jaxaastay maaliyadii loogu talo galay.cadda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here