Maraykanka oo 6 diyaaradood oo Shabaab lagula dagaallamo ugu deeqay Kenya

0
568

Dalka Mareykanka ayaa 6 Diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah ee Helicopters–ka ku wareejisay Dowladda dalka Kenya si ay ugula dagaallanto kooxda Al-shabaab oo weeraro ka iyo dagaalo ka fuliya dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

 

Danjiraha dalka Mareykanka u fadiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Robert Godec, ayaa diyaaradahaasi ku wareejiyay Wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Kenya, Haweeneyda lagu magacaabo Raychelle Omamo
Safiirka ayaa waxa uu sheegay in tani ay tahay deeqdii ugu badneyd ee Dowladda Mareykanka ay siiso waddan ka mid ah kuwa ka hooseeya saxaraha Afrika.

Labo Diyaaradood oo kale oo nooca Choppers-ka ayuu ballan qaaday in sidoo kale Bisha May ee soo socota ay siin donaan Dowladda Kenya si ay u xoojiso dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

Qiimaha lacageed ee diyaaradaha ayaa lagu sheegay in ay gaarayaan $106-milyan oo doollarka Mareykanka ah,waxaana ay qeyb ka tahay yabooh dhanka ammaanka ah oo uu Madaxweynaha talada ka dagaya ee Mareykanka siiyay dalka Kenya Sanad ka hor.

Robert Godec, waxaa uu sheegay in deeqdani ay qeyb mug leh ka qaadan doonto dagaalka wadajirka ah ee uu sheegay in dalalka Mareykanka iyo kenyaba ay kula jiraan ururka Al-

 

Halkan ka daawo

 

 

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here