Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland oo ka Dareen Celiyay Xilka Laga Qaaday

0
441

wasirka-ciyaaraha(QYN)Wasiirkii hore ee dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Md. Cabdilaahi Faarax Maydhane oo habeen hore ka mid ahaa xubnihii wasiiradda ahaa ee Madaxweyne Siilaanyo xilka-ka-qaadey, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sida uu u arko xil-ka-qaadista lagu sameeyay, waxaanu sheegay in xil-ka-qaadistiisa u arkayo wax caadiya, maadaama buu yidhi xilku meerto yahay.

Cabdilaahi Faarax Maydhane, oo ugu horeyn ka jawaabaya sida uu arko xil-ka-qaadistiisa ayaa yidhi “Xilku waa wareegto oo maalinba nin baa qabta, markaa si caadiya ayaan u arkaa, waayo xilku waa wareegto, Madaxweynuhuna wuu ku mahadsan yahay muddadaa uu shaqada i gartay ee aan u shaqeeyay qaranka. Waxaan wareejinayaa ammaano culus, waxaana u mahad-celinayaa ILAAHII muddadii aan hayey igu asturay”.

Wuxuu sii raaciyey hadalkiisi “Waan soo dhaweynayaa wasiirka cusub ee aan xilka ku wareejinayo, waxaanan ILAAHAY uga rajeynayaa inuu ku asturo, aad baan ugu faraxsanahay inaan si qurux baddan oo niyad-samaan ah aan xilka ugu wareejiyo wasiirka cusub, waayo xilku waa wareegto, waana ammaano”.

Ugu dambeyntii, Wasiirkii hore ee dhallinyarada iyo ciyaraha Md. Cabdilaahi Faarax Maydhane ayaa Madaxweyne Siilaanyo uga mahad-celiyay fursadii uu u siiyey inuu ka mid noqdo gollaha wasiiradiisa “Madaxweynaha waxaan si niyad-sami ah uga mahad-celinaya muddadii aan la soo shaqeeyay ee aan ka mid ahaa gollihiisa wasiiradda, waxaanan ku hambalyaynayaa Madaxweynaha xilka uu iga qaaday kuna taageerayaa, waana sunnaha dawladnimo, aad iyo aad-na waan ugu farax sanahay. Madaxweyne sidii aan kuula shaqayn jiray iyo si ka wanaagsan ayaan kuula shaqeynayaa, xisbiga KULMIYE-na sidii ayaan u ahay, mana ahi mid ka tegi doona, isaga ayaan hawsha la wadidoonaa Insha Allah”.

 

Qoryaalenews/Office

Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here