Xarunta Xuquuqal Insaanka: Xadhiga Ugaas Cabdiraxmaan Diiriye waa sharci darro

0
489

xuquuqal-insankaWar-saxaafadeed

Xarunta Xuquuqal Insaanka: Xadhiga Ugaas Cabdiraxmaan Diiriye waa sharci darro

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay canbaaraynaysaa haynta sharci darada ah ee Booliiska Somaliand ay ku hayaan Ugaas Cabdiraxmaan Diiriye.

Ugaas Cabdiraxmaan waxa lagu xidhay Burco 3dii November 2016 iyada oo aan amar garsoore loo haysan. Laguma horgayn maxkamadda mudadii sharcigu dhigay ee 48 saacadood ahayd. Qodobka 27aad ee dastuurku wuxuu dhigayaa “qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u leeyahay in lagu hor geeyo maxkamad 48 (siddeed iyo afartan) saacadood gudahood, laga bilaabo marka la qabtay”Ugaaska waxa loo soo wareejiyay Hargeysa halkaas oo 12kii November la horgeeyey Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Hargeysa oo rumaan garaysay afar cisho. Markii afartii cisho dhamaadeen waxa la horkeenay gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka oo amar ku bixiyay in xorriyadiisa loo soo celiyo. Balse booliisku waxaay ku celiyeen saldhigii.

Maxkamadda Gobolka Hargeysa waxaay Ugaaska mar kale laba cisho rumaan garaysay 29kii November iyada oo amartay in xorriyadiisa loo celiyo hadii aan mudadaas gudeheeda lagu keeni waxa lagu haysto. Dib looguma soo celin garsoorka iyada oo ay dhaaftay mudadii garsooruhu cayimay.

3dii December ayaa Xafiiska Xeer-ilaalinta ee Gobolka Hargeysa uu ku amray booliiska inay xorriyadiisa u soo celiyaan Ugaaska. Balse booliisku wuxuu ku celiyay saldhigga.

Ma jirto hada amar garsoore oo xalaaleeyey haynta Ugaas Cabdiraxmaan oo ku xidhan sifo ka soo horjeedda sharciga Somaliland. Ugaaska waxa la xidhay kadib markii uu ka qayb galay shir uu kaga dhawaaqay inuu ku biiray xisbi siyaasadeed mucaarad ah. Dastuurka Somaliland wuxuu u damaanad qaaday muwaadiniinta inay xor u yihiin afkaarohooda siyaasadeed.

Xaruntu waxaay walaac ka qabta awoodda aan sharciga ahayn ee booliisku uu ku diidi karo amarada garsoorka uuna ku hayn karo qof aanu hayntiisa jideyn garsoore.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ka codsanaysaa booliiska Somaliland inay xorriyadiisa u soo celiyaan Ugaas Cabdiraxmaan Diiriye iyo inay ixtiraamaan dastuurka iyo xeerarka dalka.

Guleid Ahmed Jama

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Hargeisa Somaliland

Email: hrcsomaliland@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here