NORWAY: Booliska oo caawinaad ku aadan dilka wiilka soomaaliga iyo gabadha norwijiga ka dalbaday shacabka reer Kristiansand

0
495

Booliska magaalada Kristiansand oo shir jaraa`id qabtay ayaa waxaa ay gacan caawinaad ka dalbanayaan shacabka magaalada kaddib markii ay waayeen wado ay u raacaan cidda mindida ku dishay wiilka soomaaliya iyo haweeneyda norwiijiga galabnimadii isniinta oo shalay aheyd

Labada ruux ee la dilay ayay boolisku ku kala sheegeen  Tone Ilebekk (48-jir) iyo Jakob Abdullahi Hassan (14-jir), mana cadda wali sababta loo dilay iyo cidda dishay.

Wiilka ayaa la sheegay in la dilay xilli uu iskuulka uu ka rawaxayay, haweeneydana xilli ay hawo siineysay eey ay laheyd.

Haweeneyda la dilay ayaa la sheegay in ay ka tagtay labo caruur ah iyo nin, iyadoona wiilka isna la dilay uu ka tagay shan walaalihiis ah iyo waalid.

” – Waxaan ka codsaneynaa ciddii isku aragtay ama kala aragtay labada ruux ee la dilay in ay lasoo xiriiraan booliska”, ayaa lagu yiri shir jaraa`idkii ay qabteen booliska.

Booliska ayaa ilaa iyo iminka hayn wado ay uga dhaqaaqaan halka ay iminka taagan yihiin oo ah in ay ogyihiin oo keliya in la dilay labadan ruux.

 

Qoryaalenews/Office

Oslo Norwayjacqub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here