NORWAY: 14-jir soomaali ah iyo haweenay norwiiji ah oo hal meel mindi lagu wada dilay

0
496
alay galab ayaa waxaa soo ifbaxay warar sheegayay in laba ruux mindi lagu dilay magaalada Kristiansand kuwaas oo midi qof weyn ahaa midka kalana uu ahaa wiil dhallinyaro ah oo ka kala rawaxay iskuul iyo shaqo, una sii socday guryahooda.
 

 

 

Labada ruux oo isla goobta lagu mindiyeeyay dhaawac ahaan looga qaaday ayaa cusbitaalka ku geeriyooday, waxaana ay xalay ku baryeen isbitalka iyadoo aan wali la shaacin dhalashadooda iyo dadka ay ahaayeen.

Saakay ayaa waxaa booliska magaalada Kristiansand ay shaaca ka qaadeen magacyada iyo waliba dhalashada labadan ruus oo midi uu noqday wiil dhallinyaro oo soomaali ah (14-ji), halka ruuxa kale ay noqotay haweeney norwiiji ah oo 48-jir aheyd.

Wiilka soomaaliga ah ayaa magaciisa waxaa ay boolisku ku sheegeen Jacob Abdullahi Hassan (14.jir), waxaana uu dhiganayay fasalka 9-aad iskuulka hoose ee Fiskå ungdomsskole kaas oo maanta tacsi u taal.

Haweeneyda la dilay iyo wiilka ayay boolisku sheegeen in wax xiriir ah uusan ka dhaxeyn, balse ay baarayaan waxa keenay in labadooduba hal meel lagu wada dilo.

Wali ma cadda cidda dishay labadan ruux, booliskuna ma hayaan wado ay u raacaan.

Jacob ayaa lahaa shan walaalo ah, waxaana qoyskiisa iminka loo magacaabay koox ka samatabixisa marxaladdan adag ee soo food-saartay.

 

 



krsand

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here