Mudane Madaxwayne Maxaad Kala Socotaa Golihii Deegaanka Hargeysa oo Noqday Hal Bacaad Lagu Lisay”Qalinkii” Axmed Aadan Rooble”

0
446

Waaxmed-aadan-rooble9981a muhiim in qalinka loo qaato si loo saxo loona toosiyo hadii mid kamida haayadaha dawliga ahi gabaan xilkooda
madaxwayne sida dastuurka qaranku dhigayo adigaa ah masuulka ugu sareeya dalka islamarkaana ay saarantahay masuuliyadda ka warhaynta haayadaha dawliga ah hadii ay xilkooda gabaan

axmed aadan rooble998dabcan golaha deegaanka hargeysa oo la doortay november 2012 waxay muddo kooban kadib noqdeen gole gabay xilkoodii bulshadii dooratayna kala kulmeen hungo
madaxwayne mudadii golaha deegaanka caasimaddu joogeen waxaad moodaa inaanay talaabo wayn oo dhinaca horumarka ah qaadin arintaas oo loo nisbaynayo dhawr sababood

 

waa ta koobaade golahani muu helin masuuliyiin xirfad iyo aqoon u leh shaqadda loo igmaday tusaale ahaa duqa caasimadda ku xigeenkiisa, iyo xoghayaha fulinta intuba maaha masuuliyiin aqoon wanaagsan u leh shaqadda loo igmaday taasina waxay caqabad wayn ku tahay gabi ahaanba bulshadda caasimadda maadaama oo ay meesha ka baxeen adeegyadii dawladda hoose u qaban jirtay bulshadda tusaale ahaan wadooyinka iyo xashiishka ayaa ugu wayn shaqadda dawladda hoose mudane madaxwayne sida adiguba aad markhaatiga ka tahay caasimaddii hargeysa waxa ku habsaday waddo xumo wayn taas oo ay sabab u yihiin golahani

mana jirto qorshe cad oo golahani ka leeyahay dhismaha wadooyinka iyo sidoo kale gurista xashiiska taas bedelkeeda masuuliyiinta golahani waxay iskugu faanaan guryo ayaan dhistay iyo malaayiin dolar ayaa akawnka ii yaala waxa xusid mudan madaxwayne in duqa caasimaddu magaaladda hargeysa ku leeyahay in ka badan 15 guri oo 4 kamid ahi yihiin fooqaq.

sidoo kale waxa xusid mudan madaxwayne in maayar ku xigeenku isna magaaladda hargeysa ku leeyahay 3 fooq halka xoghayuhu isna ku leeyahay 1 fooq oo imika u socda
hadaba mudane madaxwayne waxa su’aasha iswaydiinta mudani tahay qarankan aad hogaamisaa xaguu ku socdaa marka saddexdii masuul ee golaha deegaanka ugu sareeyay noocan yihiin

MUDANE MADAXWAYNE MAXAA KULA GUDBOON SI AAD GO’AAN CAD UGA QAADATO GOLAHAN, BULSHADANA AAD MADAXWAYNAHA U TAHAYNA UGU DANAYSO

 

la soco qaybta labaad

Qalinkii Axmed Aadan Rooble

Baligubadlemedia.com

Hargeysa/Somaliland

axmedrooble77@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here