Anis oo laga baadi-goobayo Yurub oo dhan iyo dowladda Jarmalka oo lacag dul dhigtay madaxiisa

0
556

Waddan walba oo Yurub ka tirsan ayaa waxaa lagu xardhay masawirka ninka la doondoonayo ee 24 sano jirka Tunisiya u dhashay. Waxaa looga shakisan yahay in uu ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday maalmo ka hor suuq ku yaalla magaalada Berlin ee dalka Jarmalka.

Anis Camri horey ayey laamaha amniga u garanayeen, waxaana loo arkayay halis maadaamo lala xiriirinayay uruka Daacish. Waxaa loo diiday inuu megengelyo ka helo Jarmalka, balse waxaa loo ogolaaday deganaansho ku meel gaar ah oo illaa uu ka baxayo uu haysan karo.

Waxaa la sheegay in uu mudo afar sano ah uu ku xirnaa dalka Talyaaniga ka hor inta uusan soo gaarin dalka Jarmalka oo uu magangalyo ka dalban.

Kaarkiisa aqoonsiga waxaa laga helay gaariga xamuulka ee weerarka loo adeegsaday. Weerarkaasi waxaa ku dhintay 12 qof ka dib markii uu gaariga jiirsiiyay. 48 kale ayaa weerarkaasi ku dhaawacmay.

Saraakiisha dalka Jarmalka waxay sheegayaan in Anis Camri loo maleynaayo inuu hubeysan yahay halisna yahay. Waxay ballan qaadeen 100 kun oo dollar in la siinayo qofkii sheega akhbaar sababi karta in la soo xiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here