War Deg Deg Ah: Guddoomiyihii Garabka Dhalinyaradda WADDANI Oo Koox Hubaysan Oo Xisbiga KULMIYE Ka Tirsani Dhaawacyo Soo Gaadhsiyeen.+SAWIRRO

0
557

(Hargaysa Qoryaalenews) Guddoomiyihii Garabka dhalinyaradda Xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme ayay koox hubaysani caawa dhaawacyo ugu gaysteen Magaalada Hargaysa ee Caasimadda Somaliland, sidoo kale waxay burbur xoogan soo gaadhsiiyeen gaadhigiisi uu watay.

image image

Guddoomiye Dhamme siduu u xaqiijiyay Wariyayaal ka socday shabakadda Somalilamdtoday.com. Koox ka tirsan Xisbiga KULMIYE garabkiisa dhalinyaradda ayaa Telefoonka uga soo hanjabay ka hor intaanay fulin falkan budhcad nimada ah.

image image image

image

Saddex habeen ka hor ayay ahayd markii dhaawacyo xun la soo gaadhsiiyay Xoghayihii cadaaladda ee Xisbiga WADDANI Barkhad. jaamac Batuun, kaas oo aan ilaa hadda cidna loo qaban.

Dhacdooyinkan gacan ka hadalka ah ee ay isu badashay siyaasadii Somaliland ayaa khatar weyn dhalin kara haddii aanay ciidamadda ammaanku talaabo cad oo jawaab u noqon karta ka qabanin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here