‘ Suldaan Dhawal Wuu Ka Baxay Xayndabkii Gadarbuusi, Wuxuuna Noqday Xisbi Habar Carfaan Ah ” Caaqil muuse cabaas

0
543
Borama(Qoryaalenewssuldan-dhawal) Salaadiinta cuqaasha beel weybta makaahil ee beelaha samaroon ayaa shaaca ka qaaday in kalsonidii kala laabteen guddoomiyihii guud ee beelaha Suldaan C/raxmaan Dhawal, ka dib markii sada ay sheegeen uu suldaankasi ku milmay siyaaasada, isla markaana ii gacanyare u noqday musharaxiinta Xisbiga KULMIYE.
Madax-dhaqameedkan oo maanta saaxafada qaar kula haddlay huteelka Rays ee magaalada Boorama , ayaa sheeciyey in ay gebi ahaanmba burburtay guddidii beelaha Samaroon, ka dib markii uu guddoomiyhii guddida u xuubsiibtay Siyaasada iyo arrimaha jufada uu ka soo jeedo ee habar -carfaan,waxana kamid ahaa odayaa qaar haddaladoodii sidan:-“Waxaani iskugu nimi in aanu shaacino in ninkii odayga ahaa ee aanu guddoomiyaha ka dhignay C/raxmaan Jaamac Dhawal oo xilkii la lumay annagun aanmu sidaa daradeed kalsoonidii kala noqonay aanu maanta laga bilaabo guddoomiye gadabuursi ahayn oo guddidaa u taliya ama go’aan u leh oo halkii kale ayuu ku milmay haddii ay jufadiisa Habar-carfaan tahay iyo haddii ay Xisbi tahayba,
Waxaana intaasi ku dereen in uu suldaan C/raxmaan Dhwal dayacay shaqadii dhaqan ee loo doortay ” Guddomiyahayagii wuu dayacay hawshii aannu u igmanay ku milmay siyaasada iyo dowlad ku dhawaaqay inuu siyaasi yahay,waxaanu ahayn gddi ku meel gaadh ah rabta in ay ummada gaadhsiiso meel ay dareensanay oo qaybta dhaqanka ah,maanta oo ay tahay bishu 21.12.2016-ka ma jirto guddi gadabuursi oo dhisan inta dib looga tashanayo oo uu guddoomiye ka yahay suldaan C/raxmaan Jamac Dhawal”Jiif Caaqil Xasan MuusE Cabaas
Dhanka kalena Madax-dhaqmeedka beesha Makaahiil “Samaroon” ayaa sheegay in guddida beesha aan loo dooran siyaasada balse ay shaqdoodu ahayd arrimaha dhaqan,waxaanay hoosta ka xariiqeen in aanay jirin hadda wax guddi ah oo beelaha samaroon meteshaa iyagoo fariin u diray beelaha kala ee reer Somaliland”Guddigii aan kamid ka ahayn ee samaroon wax ka jiraa ma jiro , madaama uu guddoomiyihii beesha samaroon yidhi sayaasi ayaan ahay, annagu dhaqan ayaan ahayn oo siyaasad shaqo ku maanu lahayn, madaama uu yidhi guddoomiyahayagi siyaasibaan ahayn oo uu siyaasadii ku milmay,siyaas ayey ku buburtay oo aanu nidhi nin waliba jufadiisi ha u taliyo,halkan saaka waxaanu ka shaacinaynaa waxa jirta guddi gada buursi oo muddo talada soo haysay oo uu guddomiyena u aha suldaan Dhawal, balse isagu kaalintii loogu talo gaya wuu gabay , wuxuu ka doortay dhaqankii uu guddoomiyaha u ahaa siyaasad ayuu ka doortay, sidaa darteed cid shaanbad gadabuursi sheegan kartaa ma jirto,dadka waxaan ogaysiinaynaa ku debada jooga dowlada waxaan u sheegaynaa dadka jeerka ah waxaan u sheegaynaa dhammaan nin haysta shaanbad gadabuursi oo sheegan karaa ma jiro guddidii beesha gadabuursina halkaas ayey ku burburtay,
Ugu dambayntii odayaashan ayaa haddalkooda ku soo afmeeray “C/raxmaan Jaamac Dhawal nin madaxa ayuu ahaa gadabuursi ayaa dooraty ninkii ugu sareeyey ayaa laga dhigay oo gadabuursi ayaa ka dhigay , markaa maanta waxaan u sheegaynaa dalka iyo debada iyo jaararka hareeraha naga jira mee kasta oo ay joogaan inuu ka baxay xayndaabkii gadabuursi oo uu noqday Xisbi habar-carfaan ah oo uu guddoomiye ka noqday, markaa waxanu leenahay shaabadii samaroon ee uu sitay halkaas ayaa lagaga qaaday,kalsoonidiina waanu kala noqonay ninkaasi.
QoryaaleNews/Office
Qoryaalenews2@gmail.com
Boorama/Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here