Murashaxii Gacan Ku Rimiska Ahaa Ee WADDANI Oo Xiisad Car Iyo Wir Ah Ka Dhex Abuuray Hogaanka Dhaqanka AWDAL

0
522

maxamed-caliHargeysa(QYN)Kulan Nusqambeedka WADDANI Nashqadiisa La Haayeen Oo lagu Shax Dhigay Fidmada Dhex Miranaysa Madax dhaqameedka SAMAROON

Murashax Dr Maxamed AW Cabdi Oo Bilaabay Qorshe Lagu Kala Qaybinayo Salaadiinta AWDAL iyo Xubno Umiciyo Lisanaya In Laysku Garaaco Qoorweynta Gudabiirsi

Murashaxii  madaxweyne Ku Xigeen EeWADDANI ayaa bilaabay kulamo nusdambeedka WADDANI ku dhabar taabteen oo lagu kala qaybinayo salaadiinta iyo madaxda dhaqanka AWDAL,  kulamadan oo joog hoose ku socda oo habeen hore ilaa xalay si goos goosa uga socdey magaalada hargeysa ayaa lagu laqimay qorshe lagu kala qaybinayo hogaanka dhaqanka Awdal qorsha ayaa salka ku hayey sidii beelaha makaahiil xidhida ugu siibi lahaayen guddoomiyaha gudida dhaqanka AWDAL suldaan cabdiraxmaan dhawal  ka dib markii suldaanku beeshiisu ay taageertay xisbiga KULMIYE, waxaana taageerada beesha habar cafaan laf dhuun gashay ku noqotay  murashaxii gacan ku rimiska ahaa ee WADDANI Maxamed Cali Aw Cabdi kulamo nusdambeeda xisbiga waddani talad ugu la qimeen ayaa ahaa sidii dhitooyin dabin ah qoorta loogu sudhi lahaa qoorweynta samaroon si loo kala qaybiyo talada dhaqanka. waxaana dubtaba soo ifbaxdey xiiisad CAR Iyo Wir ah Oo ka dhex curatay salaadiinta ka dhaqanka waxaana xubno uu soo dhabar taabtay Dr. Maxamed AW Cali ay sheegeen inay kalsoonidii kala noqdeen Guddoomiyihii madaxda dhaqanka AWDAL suldaan dhawal. waxaan talaabadani noqonaysaa mid laysugu miciyo listo oo bur-bur ku keenaysa hogaanka ka arrimiya Gobolada galbeedka dalka. qorshan maxamed belaayo ayaa dhabar jab ku ah hankiisa laba garoocan ee uu taageerada kaga doonayo beelaha Samaroon ee uu ku abtirsado waxaana fawdadu dhex miranaysaa hogaanka dhaqanka awdal  dhanka kale warar aanu helayno ayaa tibaaxaya in qaar ka mid ah hogaanka dhaqanku ay iyana kalsoonidii kala noqdeen Ugaaska beelaha samoroon ugaad axmed aw doodi waana xiisad CAR iyo Wir Ah oo ka  dhex aloonsantay boorama.

Qoryaalenenews/Office

Boorama/Somaliland

Qoryaalenews2@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here