Gary Cahil: Waxaan Dooneynaa Inaan Rikoorka Guulaha Xiriirka Ah Ee Epl Barbareyno Kulanka Bournemouth

0
496

aafaca kooxda Chelsea cary-hillayaa sheegay in kooxdiisa Blues ay dooneyso iney barbareyso rikoorka guulaha xiriirka ee horyaalka Premier league ee ay heysto kooxda Arsenal oo ah 12 guul oo xiriir ah sanadii 2002 laakin wuxuu daafaca England qirtay ineysan isaga iyo asxaabtiisa kooxdaasi isku mashquulin ka hadalka arinkaas.

Cahil oo wareysi siinayay Sky Sports ayaa yiri “Ma aha wax aan maalin waliba ka wada hadalno, xaqiiqdii, ma maqlin mid kamid ah wiilasha oo ka hadlaya arintaan, laakin waan ognahay arinkaas qalbiga ayaana ku heynaa, dabcan waana dooneynaa inaan ku lug lahaano guulaha ay kooxda gaareyso”.

“Waan ka war qabnaa in maalinka Boxing Day an heysano fursad aan rikoor ku dhigno, taasoo noqon doonto dhiirogelin dheeri ah, waxaan rabnaa sadexda dhibcood, waana dooneynaa rikoorka, waan la hadli doonaa nafteyda, waxaan doonayaa rikoorka, maxaan ku diidayaan ? waxaa yaala sadex dhibcood iyo rikoor, waana doonayaa inaan helo labadaba”.

Guulaha xiriirka ah ee ay gaarayaan ayaa keenay in Chelsea ay hogaanka horyaalka Premier League waana markii ugu horeysay ee ay xiliga ciida gaalada ay hayaan hogaanka horyaalka ingiriiska tan iyo 2014-15 markaasoo ay hanteen horyaalka.

Qoryaalenews/Office

Qoryaalenews2@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here